Somali News
    Hees  

Ardayda Soomaalida ee Pakistan ku sugan oo la sheegay inay u soo tababartaan Al-Shabaab.

Mogadishu Jimco 24 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ardayda Soomaalida ee Pakistan ku sugan oo la sheegay inay u soo tababartaan Al-Shabaab.

Sida saakay lagu qoray wargeys todobaadle ah oo ka soo baxa dalka pakistan oo la yiraahdo Friday times xubno ka tirsan al qaa’idda iyo xarakada al shabab oo somalia ku sugan ayaa la sheegay in ardeyda soomaaliyeed ee ku nool dalka pakistan ay ku dhiiri geliyaan inay ku biiraan dagaalyahanada al qaa’idda iyo kuwa talibaan ee ku sugan dalalka pakistan iyo afganistan si tababarada ay soo qaataan ay kula dagaalamaan AMISOM iyo dowladda somalia

Wargeyska ayaa waxa uu leeyahay baaritaano ay sameeyeen ilaha sirdoonka dalalka pakistan iyo Mareykanka iyo macaahid baaritaano ku sameysa waxa loogu yeero argigixisada ayaa waxaa lagu ogaaday in arday badan oo soomaali ah ay ku biireen kooxaha talibaan iyo Al qaacidda oo tababaro ay qaateen kadib loo xilsaaray weeraro iyo qaraxyo ay ka geestaan qaaradda yurub iyo qaarkood oo ku soo laabtay gudaha dalka somalia , haatanna ka qeybqaadanaya dagaalada Al shabab ee ka dhanka ah AMISOM iyo dowladda KMG .

"Waxaa jira xiriir wanaagsan oo kadhexeeya Al shabab iyo Al qaacidada kale , horaantii sanadkan boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Alshabab ayaa gaaray dalka yeman si ay u gacan siiyaan al qaacidada yeman ku sugan , sidoo kale al qaacidada ku sugan bariga dhexe ayaa soo aada dalka somalia iyagoo ka bar bar dagaalama Al shabab"sidaana waxaa yiri Carl Adams oo ah bare wax ka dhiga machad lagu barto waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada oo fadhigiisu uu yahay magaalada Dubai ee imaaraadka carabta .

Wargeyska todobaadlaha ah ee warbixintan saakay qoray ayaa qoraalkiisa waxa uu ku xusayaa in labo wiil oo soomaali ah kana mid ah ardayda wax ka barata magaalada karachi ee dalka pakistan ay tababaro ku qaateen magaalo la yiraahdo Balochistan ee dalka pakistan , waxana wargeysku uu leyahay wiilashaas soomaalida ah waxa ay qaateen tababaro , waxana la baray sida loo sameeyo walxaha qarxa , waxaana loo xilsaaray qaraxyo ay ka geestaan magaalada heeg ee dalka Netherland.

Mid kamid ah labada wiil ee soomaalida ah ayaa qaatay baasaboor dalka spain ah , waxana uu badashay magaciisa iyo diintiisa , waxana uu la baxay magaca David Azubuike,oo 21 sano jir ah , isagoo qaatay diinta kirishtaanka .sida uu leeyahay wargeyska Friday times ee pakistan ka soo baxa

Safaaradda holland ee dalka pakistan ayaa war ay soo saartay wax ay ku sheegtay inay ka warqabto arimahaas oo idil, il gaar ahna ay ku eegeyso.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in tiro goob ay ku sameyneyso dhamaan dhallinyarada soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.

Dalka pakistan waxa uu deris la yahay dalka afganistan oo ah hoygii laga soo abaabulay weeraradii mareykanka ee 9\11 ee al qaacidda ay geesatay , wadxana dalka pakistan ku nool 8,000 oo ah arday soomaaliyeed oo wax ka barata dalkaasi , waxana jirta cabsi xoogan oo food saartay ardayda soomaaliyeed ee ku nool dalka pakistan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)