|
Kooxo Hubaysan oo xalay Degmada Wadajir ku dilay Macalin dugsi quraan.
Mogadishu Jimco 24 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxo Hubaysan oo xalay Degmada Wadajir ku dilay Macalin dugsi quraan.
Waxaa xalay Degmada Wadajir lagu dilay macalin Dugsi Qu'aan oo lagu magacaabi jiray Macalin Cabeey, iyadoo Macalinkaasi ka mid ahaa Macalimiinta Dugsiyada degmadaasi Qur'aanka ka dhigta, iyadoo kooxihi falkaasi dilka ahaa ka dambeeyay ay halkaasi ka baxsadeen.
Macalinkaasi Dugsi ee la dilay ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen ilaa 3 nin oo bastoo;ado ku hubeysan, kuwaas oo dhowr xabadood kaga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa waxaana uu macalinku ku geeriyooday goobta uu falkaasi ka dhacay.
Ciidamada dowlada ee Degmada Wadajir ku sugan ayaa durba goobta gaaray dilka macalinka markuu dhacay waxayna ay sameeyeen sidii looga bartayba baaritaan ay dad badan ku soo qab qabteen ilaa 9 ruux oo ahaa dadkii goobta ka agdhawaa, iyagoo ku tuhmaya inay ka dambeeyeen dilkii xalay loo geestay Macalin Cabey.
Dhinaca kale Macalinka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu horay uga tirsanaa midawgii Maxaakiimta Islaamka sanadii 2006-dii ilaa hadana lama oga cida sida rasmiga ah ee ka dambeysay dilkaan iyo sababaha loo dilay toona, balse degmada Wadajir ayaa xiliyadaan dambe waxaa ku soo badanaaya falalka dilka ah, iyadoo horay u ahayd halka Magaalada Muqdisho ugu ammaanka roon oo ay adkayd in fal dil ah uu halkaasi ka dhaco, kii isku dayana isla goobtaasi lagu dili jiray.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|