|
Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay Baarlamaanka cusb ee Soomaaliya
Mogadishu Jimco 24 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay Baarlamaanka cusb ee Soomaaliya
Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay dhaarintii Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib bayaan ay maanta ka soo saareen magaalada Muqdisho.
Bayaanka ayaa lagu sheegay inay aheyd tallaabo taariikhi ah dhaarinta Xildhibaanada cusub, isla markaana muddo 20-sano kadib markii u horeysay lagu dhaariyo magaalada Muqdisho Baarlamaan metela shacabka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa bayaanka lagula dar daarmay Xildhibaanada cusub inay u adeegaan shacabka Soomaaliyed, dalkooda iyo diintooda, iyagoo xusay inay Soomaaliya ka jirto is bedel siyaasadeed.
Culumaa'udiinka ayaa u rajeeyay Xildhibaanada in howshooda Alle kula garab galo, si daacadnimo dalkooda iyo dadkooda ugu adeegaan, waxaana ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyed inay soo dhoweeyaan.
Waxaa kaloo Culimada ay ku adkeeyeen Baarlamaanka cusub inay soo doortaan Madaxweyne cusub oo shacabka Soomaaliyed ka samata bixiya dhibaatooyinka, si loo ambaqaado guulaha la gaaray, xaqiijintooda, iyo la xoojiyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.
Ugu dambeyn Culumaa'udiinka ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan dowladda cusub, waxaana ay sheegeen in dowladda cusub ee soo socota ay noqoto mid dalka nabadgelyo, cadaalad iyo kala dambeyn ku soo dabaasho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|