|
Qabashada Araajida Musharixiinta u tartamaysa xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo maanta ku eg
Mogadishu Jimco 24 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qabashada Araajida Musharixiinta u tartamaysa xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo maanta ku eg.
Waxaa maanta ku eg qabashada araajida murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa siday maanta shaaciyeen
Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in qabashada araajida murashaxiinta u tartamaya xilalka afhayeenka ku xigeennadiisa waxay ku eg tahay maanta oo Jimco ah, wuxuuna afhayeenka guddigan doorashada xidhibaan Cismaan Libaax uu sheegay in diyaargarowga loogu jiro doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa ku eg berri oo Sabti ah.
Maalinta Axada ah oo ay bishu tahay 26-ka waxaa bilaabanaysa doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa, Musharixiinta ilaa iyo haatan u taagan jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay kala yihiin :
Dr Cali Khaliif Galeyr
Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Prof C/risaaq Cismaan Jurille
C/rashiid Maxamed Xidig
Maxamed Rashiid Maxamed
Dhinaca kale Xubnaha
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagu dooranaaya shaqsiyaadkii hogaamin lahaa Baarlamaanka, waxaana Axdda la filayaa in si buuxda loo doorto Xubnaha ugu sareeya Baarlamaanaka Soomaaliya, sida : Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa iyo nidaamiyaal.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|