Somali News
    Hees  

Warbixin ku saabsan Markab xalay ku gubtay Dekedda Boosaaso

Mogadishu Jimco 24 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Warbixin ku saabsan Markab xalay ku gubtay Dekedda Boosaaso

Markab xalay ku gubtay Dekedda Magaalada Boosaabo ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ka soo baxaysa Faah faahin dheeraad ah, iyadoo Maamulka Puntland ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha sababay gubashada Markab ku xirnaa Magaalada Boosaaso .

Maxamed Siciid Raage Wasiirka Gaadiidka Dekedaha iyo Badda Puntiland ahna La dagaalanka Burcad Badeedda ayaa sheegay in Markabka gubtay uu waday shidaal isla markaana gubashadiisa ay ka dambeysay kadib markii Mashiinka hoose ee Markabka uu Dab qabsaday.

Maamulka Puntland ayaa u diyaar garoobeay Marka ay Markab ama Dooni ay Dab ka kaco Dekedda Magaalada Boosaaso waxaana uu sheegay in inta badan shaqaalaha Dekadda ay inta badan ku guuleystaan daminta Marka ay dhacaan dhibaatooyinkan oo kale.

Gubashada Markabkaan ayaa lagu guulaystay in la demiyo, iyadoo Maamulka Puntland ay dhowr jeer horay uga hortagtay maraakiib iyo duumo gubanaaya oo deeganadooda tagay, waxaana gubashada maraakiibta iyo doomaha markasta loo aaneeyaa qaldaad ka yimaada dhanka Debka iyo Qaakood oo wada Dhuxul oo iyana uu dab ka kaco.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)