Somali News
    Hees  

Hay'adda SHARDO oo 100-dhallinyaro ah u soo xirtay xirfado lagu taageerayo aqoontooda ganacsiga + Sawirro

Mogadishu Jimco 24 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hay'adda SHARDO oo 100-dhallinyaro ah u soo xirtay xirfado lagu taageerayo aqoontooda ganacsiga + Sawirro

Munaasabad tababar loogu soo xirayay dhallinyaro tiradoodu gaareyso 100-dhallinyaro ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda wadaniga ah ee SHARDO ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda KMG ah, maamulka G/Banaadir, ardayda tababarka loo soo xirayay, dad damiin ka ahaa dhallinyaradaasi, Hay'ado caalami ah iyo kuwo wadani ah oo dalka gudihiisa ka howlgala.

Tababarka loo soo xiray dhallinyarada oo socday muddo sideed bilood ah ayay ku baranayeen laba xirfadood oo kala ah: Maamulida ganacsiga iyo dhisidda iskaashatooyin ganacsi, waxaana barnaamijkaan maal geliyay hay'ad lagu magacaabo JICA lagana leeyahay wadanka Japan oo u soo marisay hay'adda shaqaalaha adduunka ILO, iyadoona barnaamijkaan ay fulineyso hay'adda SHARDO.

Dhallinyarada dhameysatay qeybta dhisidda iskaashatooyinka ganacsiga oo ka koobnaa 25-koox ayaa Group waliba wuxuu ka koobnaa 4-ruux, iyadoo tirada guud ee dhallinyarada ahayd 100-dhallinyaro ah, kuwaasi oo la guddoonsiiyay lacag dhan $2000 (Laba Kun Dollar).

Lacagahaasi la guddoonsiiyay dhallinyarada gacanta looma gelin sida ay sheegeen saraakiisha Hay'adda SHARDO ee waxaa loo soo mariyay Bankiga Dahabshiil oo ay Account ka furteen, hase yeeshee waxaa dhallinyarada la gacanta loo geliyay Jeegag iyo Warqadaha lacag dhigashada.

Dhallinyarada tababarka loo soo xiray ayaa lacagaha la guddoonsiiyay loogu talo galay inay ku horumariyaan waxyaabihii ay soo barteen isla markaana ganacsi ku sameeyaan, waxayna hay'adda SHARDO u sameysay sharci hoosaadyo ay isku maamulayaan.

Mashruucaan oo lagu magacaabo "Youth for change" ayaa waxaa khudbad ka jeediyay munaasabaddaasi Guddoomiyaha Hay'adda SHARDO Md. Abuukar Sheekh Maxamed, wuxuuna u mahad celiyay dhammaanba dadkii ka soo qeyb galay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay dhallinyarada.

"Dhallinyarada mudada sideeda bilood ah loo tababarayay xirfadaha kala duwan sida maamulka ganacsiga iyo dhisidda iskaashatooyinka ganacsiga waa inay ka faa'iideystaan waxyaabihii ay baranayeen" ayuu yiri Guddoomiye Abuukar Sh. Maxamed oo ku booriyay dhallinyaradaasi inay ka dhabeeyaan ganacsigooda ayna sii amba qaadaan howlaha horyaala.

Munaasabadda xiritaanka tababarka dhallinyarada oo ka dhacday Hotelka City Plasa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa 25-ruux oo kooxdiiba ay hal qof ka wakiil ahayd dhallinyarada tababarka loo soo xiray, kuwaasi oo si weyn ugu mahad celiyay hay'adaha ay ugu horeyso hay'adda SHARDO oo iyagu fulineysa barnaamijkaan.

Dhinaca kale madaxda ka soo qeyb galay munaasabadaasi waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda shaqada, dhallinyarada iyo Isboortiga Aweys Xadaad ayaa khudbad gaaban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu kula dardaarmay dhallinyaradaasi inaysan iska lumin fursadda ay heystaan isla markaana ay ka faa'iideystaan waxyaabihii ay soo barteen.

Madaxda Dowladad KMG ah, maamulka G/Banaadir, Guddoomiyaha Degmada C/Casiis iyo xubin ka socotay Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda, waxaana sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka socday hay'adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah sida: SOYDEN, dan guud, CPD, UNDP, ILO iyo IOM iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay inay ka soo qeyb galaan.





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)