Somali News
    Hees  

Maxkamad ku taala Maraykanka oo xabsi daa'in ku xukuntay gacan ku dhiigle dilay Wiil Soomaali ah

Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Maxkamad ku taala Maraykanka oo xabsi daa'in ku xukuntay gacan ku dhiigle dilay Wiil Soomaali ah.

Maxkamad ku taala gobolka Vargenia ee dalka mareykanka ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi oo sanadkii la soo dhaafay dilay wiil soomaaliyeed oo dalka mareykanka ku noolaa.

Ninka la xukumay oo la yiraahdo Leron Howard oo 35 sano jir ah ayaa maxkamaddu waxa ay sheegtay inuu qirtay dambiga uu galay islamarkaana uu dilay Abdi Ali Ahmed oo 18 sano jir ahaa bishii April 30keeda sanadkii 2011ka kadib markii ay wada murmeyn.

Qaadiga maxkamadda ayaa sheegay in xukunka uu yahay mid aan ka noqosho laheyn . Waalidiinta dhalay wiilkii soomaaliga ahaa ee la dilay oo goob joog ku ahaa xarunta maxkamadda ayaa tibaaxay inaysan ku faraxsaneyn xukunka maxkamadda oo ay rabeen in dil lagu xukumo ninka dilay wiilkooda.

Anya Ahmed oo la dhalatay wiilka la dilay ayaa saxaafadda u sheegtay inay dooneysay in dil lagu xukumo ninka mareykanka ah ee dilay walaalkeed.

Waalidiinta dhalaya wiilka soomaalida ah ee la dilay ayaa weli waxa ay u ololeenayaan in muwaadinka mareykanka ah ee dilay wiilkooda lagu xukumo dil toogasho ah.

Dhinaca kale Waa markii ugu horeysay oo maxkamad ku taala dalka mareykanka ay xukunto muwaadin u dhashay dalkaasi oo dilay wiil Soomaaliyeed

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)