Somali News
    Hees  

aaliyda Beesha Mudulood ee Ku Nool Wadanka South Africa oo Kulan Ku Yeelatay Magaalada Cape Town

Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyda Beesha Mudulood ee Ku Nool Wadanka South Africa oo Kulan Ku Yeelatay Magaalada Cape Town

Kulan Casho Ah oo Ay Isugu Yimaadeeen Waxgarad Ganacasto,Dhalinyaro Ka Tirsan Beesha Mudulood ee Ku Nool Wadanka South Africa Gaar Ahaana Gobolka Westren Cape Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Waxa uu Ka Dhacay Magaalada Cape Town ee Wadanka South Africa.

Kulankaan Oo Ahaa Mid Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay Ayaa Waxaa Looga Hadlay Arimo Dhowr ah oo ay Ka Mid Yihiin Danaha Beelweynta Mudulood, Isku Xerka iyo Iska Warqabka,Iskaashiga Mideynta Shacabka Beesha ee Kala Jooga Gobolada iyo Tuulooyinka Wadankaan South Africa,Caawinta Dadkii Dhibaatada Kasoo Gaartay Boobkii Dhawaan Ka Dhacay Xaafada Fahala Berg iyo Arimo Dhowr ah oo Quseeya Danaha Beesha Mudulood.

Kulankaan oo Qaatay Mudo Saacado ah Oo Arimaha Qaaar Lagu Falaanqeynayay Ay Isku Mari Waaayeen Kasoo Qeyb Galayaashii Kulanka Ayaa Ugu Dambeyn Waxaa Laga Gaaray Xal Kama Dambeys ah Ayadoo Kadibna La Sameeyay Gudi Dhowr Xubnood ah oo Arimaa Ka Shaqeeya, Isla Markaana Gudoomiye Loogu Doortay Cumar Farey, Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Xasan Deelaal.

Ugu Dambeyn Waxaa Saxaafada La Hadlay Ugaaska Beesha Mudulood Ugaas Abuukar Gacal Ugaas.

Sido Kale Kulanka Waxaa Ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Jaaaliyada Soomaali Comnt Broad Mudane Muuse Muude Afrax Ugu Horeyna Waxaa uu Amaanay Barlamaanka Cusub Isla Markaana La Dardaarmay Xubnaha Cusub ee Lo Doortay In ay Si Daacad u Gutaan Waajibaadkooda,Waxaana Gudoomiyaha Ugu baaqay Dadkii Kasoo Qeyb Galay Kulanka In Ay La Shaqeeyaan Safaarda Cusub Ee Qorsheeda uu Socdo iminka, Waxaana uu Sido Kale Ka Codsaday Shacabka Soomaaliyeed ee Ku Nool Wadanka South Africa In Ay Caawiyaan Waalahooda Dhibaatada Kasoo Gaartay Boobkii Ka Dhacay Dhawaantaan Wadanka South Africa.

Kulan Ayaa Kusoo Idlaaday Waqtigii Loogu Talagalay Ayadoo Dad weynahii Kasoo Qeyb Galayna Ay Isugu Dardaarmayeen In Laga Wada Shaqeeyo Midnimada iyo Iska Warqabka Maadaama La Joogo Wadan Dilalkiisu Badan Yahiiin.



http://www.youtube.com/watch?v=mjOB7x2ofmo&feature=channel&list=UL

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)