|
Xil.Cabdi Xaashi oo maanta sheegay inuu yahay musharaxa afhayeenka Baarlamaanka cusub + Sawirro
Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Iyadoo ay soo badanayeen Musharaxiinta Madaxtino ee dalka ayaa haatn waxa la guda galay in ay Baarlamaanka Cusub ay marka hore Doortaan Afhayeenka Baarlamaanka, waxaana magaalada Muqdisho ka bilowday Munaasabado lagu soo bandhigayo Musharaxnimada Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Cabdi Xaanshi C/laahi ayaa Maanta Munaasabad balaaran ku qabtay hoteelka Naaso hablood 2 taasoo uu ku soo bandhigayay Musharaxnimadadiisa Afhayeenka Baarlamaanka uu ku doonayo in uu qabto, iyadoo ay Munaasabada la socotay Qado sharif loo sameeyay ka soo qeyb galayaasha Kulankaasi.
Munaasabadaa ayaa waxaa ka soo qeyb Galay Masuuliyiin ka kala socota qeybaha kala duwan, iyadoo ay halkaasi qudbado ka jeediyaan qaar ka mid ah ka soo Qeybgalayaasha, waxaana ugu horeen ka hadlay Munaasabada Xildhibaanad Seynab Maxamed Cumar waxeyna sheegtay in ay Codkeeda uu u Qalmo Mushraxaani balana ay ku qaaday in ay siineyso Codkeeda.
Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay C/qaadir Cusmaan Cali Shiddo oo ka mid ahaa Xildhibaanada dhawaan uu waqtiga ka dhamaaday waxuuna sheegay in uu Musharax Cabdi Xaanshi uu u Qalmo in uu Hogaamiyo Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in uu yahay nin aad ugu ad adag Xagga Sharciga.
Waxaa sidoo kale halkasi qudbad la taaban karo ka jeediyay Tuuryare Cali Dheg Naas oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed waxaa uu isna sheegay in uu Cabdi Xaanshi uu si wacan u yaqaano, waxuuna ku tilmaamay in uu Cabdi Xaanshi yahay nin wax badan ka oo qabtay dowladihii la oo dhaafay dalkanu uu dib u dhiskiisa wax weyn uu ka badalay.
Ugu danbeentii waxaa halkaasi Qudbade ka soo jeediyay Cabdi Xaanshi C/laahi oo ahaa Musharaxii Maanta ku dhawaaqayay Musharaxnimadiisa, waxuuna balan ku qaaday in uu wax weyn ka badalayo Baarlamaanka Soomaaliyeed oo Xiliyadaani danbe lagu yaqiinay Tafaraaruq, waa siduu hadalka u dhigayee.
“waxaan idiin sheegayaa oo Maanta Cadeynayaa in aan mar Labaad u soo istaagay Musharaxnimada Afhayeenka Baarlamaanka, waxaana Balan ku qaadayaa in aan wax ka Badalayo Dhaqanka Barlmanka looga bartay Tafaraaruq Xilliyadii la soo dhaafay, waxuuna Mowqifkeygu yahay in aan ka shaqeeyo danaha Shacabka” ayuu yiri Musharax Cabdi Xaanshi C/laahi.















| |
 |
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|