Somali News
    Hees  

Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi “CabdiWeli Ibraahim Muudey ma Qaban karo Xilka

Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi “CabdiWeli Ibraahim Muudey ma Qaban karo Xilka

Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Maadama uu la Saftey Shariif Xasan Shiikh Aadan”

Ugaaska Beesha Reer Ow-Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi oo ku magac dheer Ugaas Mowliid oo beryahan soo saarayey Qoraalo  ku aadan sida loogu tacadiyey dhaqankii Beesha Reer Ow-Xasan   ayaa soo saarey Qaraal uu ka hadlayo Ariimaha Siyaasada Soomaaliya gaar haan Xiliga kala Guurka waxaana Qoraalkaas uu u Qornaa Sidtan:

Ku: Gudiga Qabanqaabada Doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka & ku-Xigeenadiisa                                                                                 

ku : Gudoomiyaha KMG Baarlamaanka                    

Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ujeedo: Wargalin

Anigoo ah Ugaas Maxamed Ugaas C/laahi Ugaas Axmed(Ugaas Mowliid) Ahna Ugaaska Beesha Reer Ow- Xasan Waxaan Ku wargalinayaa Hay’adaha ay Sida Tooska Ugu socoto  Warqadan in Ninka La yiraahdo CABDUWALI  IBRAAHIM MUUDEEY  oo ahaa Gudoomiya Kuxigeenkii Koowad ee hore ee  Baarlamankii Xiligiisa Dhamaday Haatanna Murashax u ah Qabashada Xilka Gudoomiya Kuxigeenka Kowaad  Ee Baarlamanka Inuusan Ninkaas Xaq u laheyn in uu Isku soo sharaxo ama uu Qabto Xilkaas Sababahaan Hoos ku xusan owgood.

1.     Cabduwali Waxaa soo qoray Suldaan  been abuur ah oo La yiraahdo Maxamed Cabdi Cumar (Yarrow) oo si musuq masuq ah uu  uga qeyb galiyey Shariif Xasan Sh. Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka  Shirkii lagu soo xulayeey ergadii ansixinta Dastuurka iyo xulida Barlamaanka  si uu Cod uga helo tartanka Madaxweynimada ee soo socoto .

2.    Cabduwali Ibraahim Muudey  Xildhibaannimadisii Hore Ee dowladii lagu soo dhisay EMBAGATI KENYA waxaa soo Xulay Ugaaska  Beesha Reer Ow-Xasan

3.    Maxkamadda Sare Ee Dalka Waxaa ka  yaala Gal Dacwadeed Lid Ku ah  Xildibanimadiisa.

4.    Cabdiwali Muudeey Habayaratee ma soo buuxin Shuruudihii looga baahnaa in uu noqdo Xildhibaan balse meesha ku galey isagoo Taageero ka heley Shariif Xasan oo isagu aan dhihi karo waxaa uu faraha la galey Hogaankii dhaqanka Beesha

Ugaas Maxamed Ugaas C/laahi Ugaas Axmed

Ugaaska Beesha Reer Ow-Xasan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)