|
Cusmaan Libaax: "Doorashada Gudoonka sare ee Golaaha Baarlamaanka Soomaaliya waxay dhacaysaa maalinta Talaadada ee bishu tahay 28-ka .."
Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cusmaan Libaax: "Doorashada Gudoonka sare ee Golaaha Baarlamaanka Soomaaliya waxay dhacaysaa maalinta Talaadada ee bishu tahay 28-ka .."
Afhayeenka Gudiga doorashada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cusmaan Libaax ayaa shaaca ka qaaday in doorashada gudoonka baarlamaanka oo lagu waday inay dhacdo maalinta berri ah ee 26-ka Bishan ay dib ugu dhacday maalinta Talaadada ee 28-da Bishan.
Dib u dhaca ku yimid doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa la sheegay inay sabab u tahay hawlaha musharaxiinta oo weli la sheegay inay qabyo yihiin, waxayna arrintaan imaanaysaa xilli la soo gaba gabeeyay araaji qabashada musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisaba.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa u taagan 6-musharax, halka xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ay u taagan yihiin ilaa 9 musharax iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad oo isna ay doonayaan inay qabtaan 3-musharax.
Xildhibaan Cusmaan Libaax Afhayeenka guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa rajo ka muujiyay in wax kasta ay ku qabsoomaan wakhtiga loogu talagalay, wuxuuna sheegay inay soo dhamaystireen qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Guddoomiye kuxigeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|