|
IGAD oo baaq u jeedisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida
Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

IGAD oo baaq u jeedisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida
War-saxaafadeed ka soo baxay urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya uu marayo xilligaan, gaar ahaan xilliga kala guurka ah ee uu dalku marayo, iyadoo baaqani si toos ah loogu diray hoggaamiyeyaasha Soomaalida gaar ahaan xubnaha saxiixayaasha Road Map-ka.
Dowladda KMG ah ee uu xilligeedu dhammaaday kaddib ayaa maalintii Jimcaha oo War-saxaafadeedka IGAD laga soo saaray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan yahay inay dhameystiraan dadaalada Soomaaliya looga saarayo hannaanka KMG-nimada.
Ururka Goboleedka IGAD warka ka soo baxay ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in ka bixitaanka xilliga KMG-nimada oo Soomaaliya ka baxdo ay dhabaha u xaareyso u gudbidda marxalad siyaasadeed oo cusub.
"Waxaan hambalyo u direynaa Xildhibaanada la soo doortay, waxaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida ka rajeyneynaa inay dhameystiraan howsha uga harsan xilliga kala guurka" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay IGAD oo dhinaca kale Baarlamaanka cusub ka dalbaday inay guda galaan howlaha culus ee horyaala.
Ururka IGAD oo taageera Dowladda Soomaaliya isla markaana dalka ka sameeyay howlgallo lagu baacsanayo kooxaha Shabaab ayaa iminka bilaabay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa doorashooyinka ka dhacaya dalka gudihiisa, gaar ahaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|