Somali News
    Hees  

C/samad macalin Maxamuud: "AMISOM wax faragelin ah kuma hayso siyaasadda Soomaaliya..."

Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


C/samad macalin Maxamuud: "AMISOM wax faragelin ah kuma hayso siyaasadda Soomaaliya..."

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo iyo Amniga Qaranka ayaa shir jaraaid oo uu qabtay maanta wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo sheegaayay in AMISOM ay faragelin ku hayso arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya.

"AMISOM wax faragelin ah kuma hayso siyaasadda Soomaaliya, hadaladaasna waa waxba kama jiraan" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo sheegay inay ciidamada AMISOM Soomaliya u joogaan caawinta Soomaalia, wuxuuna si buuxda u cadeeyay inaysan AMISOM wax shaqo ah ku lahayn Siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka mar uu ka jawaabaayay su’aal aheyd inay duqeymo diyaaradeed u geysteen shacab Soomaaliyeed dhawaan ciidamada AMISOM ayuu sheegay in uu ka war qabo arimahaasi, waxaana uu til maamay inay jirayaan dhibaatooyin haddii ay dhcdaba in duqeymo ay ka geestaan diyaaraduhu goobaha shacabku ku badan yahay.

Dhinaca kale wasiirku waxa uu sheegay inay mar waliba kala hadlaan khaladaadka ka dhaca Ciidamada AMISOM, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku dhacaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)