Somali News
    Hees  

Qarax Miino oo goor dhow ka dhacay Magaalada Baladweyne

Mogadishu Sabti 25 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qarax Xoogan oo laga maqlay inta badan magaalada Baladweyne ayaa daqiiqado ka hor waxaa uu ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee Galbeedka Baladweyne.

Qaraxan oo markii hore loo maleenayay in uu ahaa Ismiidaamin ayaa daqiiqado ka hor la ogaaday in uu ahaa Caag Saddexle oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo macmal ah ciidamada Ethiopianka oo ka war helay waxyaabahaasi qarxa ayaa ka dib goobta gaaray waxaana ay ka
eryeen dadkii ka agdhawaa goobta la dhigay oo ah meel u dhow Suuqaa Caanaha lagu iibiyo una dhow Iskuulka Cumar Binu Khadaab Ciidanka ayaa gacantooda ku qarxiyay mana jirto wax qasaaraha ah oo dadka shacabka iyo ciidamada goobta gaaray ka soo gaartay.

Qaraxan oo la dhigay meel ay ku banaayeen dadka shicibka ayaa la aaminsanyahay in kooxahii galiyay aanu wax dan ah ka laheen nolosha Shicibka waana markii ugu horeysay .

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)