Somali News
    Hees  

Kullan wacyi gelin iyo dhiiragelin isugu jira oo ay soo qabanqabiyeen urur dhallinyarada Aqoon Kaal, oo ka dhacay magaalada Örebro

Örebro Sabti 25 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kullan wacyi gelin iyo dhiiragelin isugu jira oo ay soo qabanqabiyeen urur dhallinyarada Aqoon Kaal, oo ka dhacay magaalada Örebro.

Ururka aqoonkaal oo ah urur ay ku midoobeen dhallinyaro waxku barata magaalada Örebro ee dalka Sweden ayaa Axaddii, 19 - Agoosto qabtay kulan ay isugu yeereen dhalinyarada magaalada, culimaa’uddiinka, odayaasha iyo aqoonyahanka, si loogu wacyi geliyo dhallinyarada dhinaca waxbarashada iyo hiigsashada han iyo mustaqbal horumar leh.

Kullankan qiimaha badan ayuu ururka Aqoon Kaal uga gol lahaa sidii dhallinyarada magaalada loogu dhiiri gelin lahaa raacidda tubta aqoonkororsiga, maaddaama uu aadanuhu noloshiisa oo dhami arday yahay.

Waxaa barnaamijka xiriirinayay Abdifatah Hamud Mohamed islamarkaasna ka mid ahaa bahda aqoonkaal, isagoona furitaanka barnaamijka si kooban uga faallooday ujeeddada kulanka. Waxuuna barnaamijka ku soo dhaweyey mid ka mid ah dhalinyarada oo ku furay aayadaha Qur’aanka Kariimka, ka dibna uu sheykh Maxamuud Macallin Xasan jeediyay muxaadaro diini ah oo qiimo badan.

Sidoo kale waxaa maykrafoonka lagu soo dhaweeyay Culumadii iyo aqoonyahankii ka soo qaybgalay, iyaga oo halkaasi ka jeediyay qudbado wacyi iyo dhiira gelin isugu jira. Waxaa sidoo kale dhallinyada looga warbixiyay qaabka waxbarashada dalka Sweden iyo habka u sahli kara inay hadafkooda waxbarasho ay meel heersare ah ka gaaraan.

Waxanaa dhalinyarada aad u soo jiitay mid kamid aqoonyahanadii halkaasi ka hadlayay Mudane HHH arbi Abdullahi Amir oo ahaa dhalinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Sweden marka ay soo galeen ku dadaalay waxbarashada kana gaaray heer jamacadeed oo sare, isla markaasna ka midnoqday macalimiinta jamacadda Göteborg waxka dhigi jiray. Mudane Harbi ayaa uga soo sheekeyay heerka noloshiisa ay go’doonka u ahayd iyo dulqaadka uu sameeyay marka uu waxbarashada ku guda jiray.

Mudane Xarbi ayaa dhallinyarada ku booriyay in aqoonta aysan ku koobneyn hal maaddo oo la barto balse ay muhiim tahay in qofku wax uun uu naftiisa hadhawu aayi doono u barto. Sidoo kale waxuu ka soo sheekeyay waalidku inay wax kuqasbaan balse ilmihuu uu jecel yahay waxkale isagoo dhankaasi waalidiinta kulataliyay inay u daayaan ilmuhu waxuu rabo si uu meel fiican uga gaaro.

Waxaa sidoo kale aqoonyahankii madasha ka hadlay ka mid ahaa guddoomiyaha Faraca Xisbiga Hiilqaran ee dalka Sweden Cabdifatax Saciid Baanacaymuun oo isna aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashada, aqoon la’aantuna ay tahay caqabadda horumarka umadda, isagoo si toos ah carrabka ugu adkeeyay in waxa dunida kala hagaya uu yahay cilmiga. Mudane Baanacaymuun ayaa dhallinyarada ku booriiyay in ay yihiin jiilka dalka iyo dadkuba ay sugayaan.

Gebagabadii barnaamijka ayaa waxaa lagu gaba gabeeyay duco iyo dardaaran ay soo jeediyeen culimadii ka soo qayb gashay. Barnaamijka ayaa waxaa soo gunaanuday guddoomiyaha ururka Aqoon Kaal Cabdifataax Sabriye Goley oo u mahad celiyay dhammaan kasoo qayb galayaasha kuna soo dhaweeyay qado sharaf uu ururka ugu talo galay. Kulankani ayaa noqonaya mid noociisa oo kale ah kii ugu horreeyay oo uu soo abaabulo urur waxbarasho oo ay dhallinyaro horkacayaan oo ka jira magaalada Örebro ee bartamaha Sweden.












Waxaa diyaariyay
Xaamid Yare
Örebro Sweden

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)