|
Augustine P. Mahiga : “Maanta waxaa barlamaanka hortagaya musharixiinta u tartameysa guddoonka barlamaanka, waxa ay soo bandhigayaan..."
Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Augustine P. Mahiga : “Maanta waxaa barlamaanka hortagaya musharixiinta u tartameysa guddoonka barlamaanka, waxa ay soo bandhigayaan waxqabadkooda, mana aqbaleyno in 28ka ay ka dib dhacdo doorashada guddoonka barlamaanka.."
Safiirka QM ee arimaha somalia Augustine P. Mahiga oo warsaxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu wal wal ka qabo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka somalia .
Augustine P. Mahiga ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay inay weli jiraan caqabo hortaagan in doorashooyin dalka ay ka qabsoomaan oo ay kmid tahay xildhibaanada oo aan weli si toos ah aan loo dhameystirin , waxana uu sheegay in loo baahanyahay in la sameeyo isu tanaazul si howsha harsan dhaqsi loogu soo gabagabeeyo.
“Maanta waxaa barlamaanka hortagaya musharixiinta utartameysa guddoonka barlamaanka , waxa ay soo bandhigayaan waxqabadkooda , mana aqbaleyno in 28ka ay ka dib dhacdo doorashada guddoonka barlamaanka”ayuu mahiga ku yiri war saxaafadeedkiisa.
Denjire Mahiga waxa uu sidoo kale siyaasiyiinta soomaalida ka codsaday inay qaadaan talaabo waliba oo fududenkarta howlaha ka harsan dhameystirka dowladda cusub, isagoo ku dhiiri geliyay inay wada shaqeeyaan oo jilicsanaan iyo is aaminaad ay muujiyaan.
Waxaa warsaxaafadeed midkan lamid ah maanta uu ka soo baxay urur goboleedka IGAD oo isna dalbaday in si deg deg ah loo doorto guddoon iyo barlamaan cusub oo dalka somalia uu yeesho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|