|
War Saxaafadeed kasoo baxay Xubnihii Hore ee Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya
Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA 26/08/2012
War Saxaafadeed kasoo baxay Xubnihii Hore ee Baarlamaanka
Shir Ballaran oo ey isugu yimaadeen Xubnihii Baarlamaankii hore ee u Dhabar adeygay samata bixinta Dalka iyo Dowladnimada, gaar ahaan kuwa aan soo gelin Baarlamaanka cusub, ayaa Dood dheer iyo Falanqeyn kadib waxey isla garteen qodobada soo socda:
1- Taageeridda ka gudbitaanka Marxaladdii kumeel gaarka aheyd ee Curyaamisay Dowladihii dibadda lagu soo Yagleeli jiray.
2- Soo dhaweynta Baarlamaanka Cusub ee Dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Talo Soo Jeedinta Xubnihii Hore
a) Xubnuhu waxey Baarlamaanka Cusub usoo jeedinayaan iney Gudoonka Baarlamaanka u Doortaan Mudane ku Sifoobay Wadaniyad, Waaya argnimo Iyo Hufnaan, aqoon durugsanna u leh Shuruucda dalka & tan Caalamkaba, oo Sumcad sare leh.
b) Iney Danta guud ka hormariyaan Danta gaarka ah, kana fogaadaan wax kasta oo khilaafaad keeni kara.
c) Iney Hogaanka Dalka u Doortaan Muwaadin Xog ogaal ah, Kuna sifoobay Karti iyo Daacadnimo, una Damqanaaya Dalka, Dadka iyo Diintaba.
Baaqa Xubnihii Hore
Ø Waxey Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqayaan iney taageeraan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo madaxda ow dooran doono.
Ø waxey Beesha caalamka ugu Baaqayaan, gaar ahaan urur Gobaleedyada iyo Dowladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iney Taageeraan Hey’adaha Dowladda Cusub.
Ø Waxaan Hey’adha Amniga & Ciidamada Amisom ugu Baaqeynaa iney muujiyaan karti iyo Feejignaan Dheeri ah inta lagu guda jiro Doorashooyinka.
Yusuf Sheik Isse
ladane11@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|