|
Warbaahinta gudaha oo sahan (survey) ay sameysay ku ogaatay in Dr. Caddow uu yahay shaqsiga ugu saameynta badan musharixiinta (WARBIXIN)
Holland Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Warbaahinta gudaha oo sahan (survey) ay sameysay ku ogaatay in Dr. Caddow uu yahay shaqsiga ugu saameynta badan musharixiinta (WARBIXIN)
Qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho ayaa makaroofanka la dhex-qaaday qeybaha kala duwan ee bulshadda Muqdisho ku dhaqan oo ay ugu horeeyaan fanaaniinta, ganacsatada, ardayda, macalimiinta, dadka ku jira xerooyinka qaxootiga, kuwa muruq-maalka ah, Naafaddii xoogga dalka & haweenka, waxaana aaraa´dii laga soo uruuriyey bulshaddaasi inteeda badan ka muuqatay in ay taageerayaan in doorashada madaxweynenimada Soomaaliya inuu ku soo baxo Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow oo in baddan oo dadkaasi ka mid ah ay u arkayaan inuu yahay shaqsi nadiif ka ah dhacdooyinkii foosha xumaa ee dalka ka dhacayey 22-kii sano, loona arko inuu yahay oday waaya-aragnimadiisa & khibradiisa ay maanta Soomaali u baahan tahay.
Dadka fikradaha ka dhiibanayey shaqsiyadda Caddow ayaa isku raacay in Soomaaliya shaqsiyaadkii hogaankeeda soo qabtay wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladii dhexe in ay ahaayeen kuwa fulinayey danaha dowlado shisheeye, oo aysan jirin wax ay ku soo kordhin kareen marxaladda dalka, maadaama ay la haystayaal u ahaayeen dowlado danahooda u arkayey in ay ku jirto in ay lugta ku walaaqaan xaaladda Soomaaliya, waxeyna ay sheegeen in Soomaaliya u baahan tahay shaqsi aaminsan in Soomaalidu tahay dad karti u leh in ay dalkooda nabad & kala dambeyn ku soo ceshan karaan.
``Caddow wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray ilaa waqtigii xorriyadda & dowladdii Marxuum MS Barre uu hogaanka u hayey, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradihii maaliyadda & arrimaha dibedda, wuxuuna xilli dheer ahaa safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyey Washington, runtii waa nin ka gadi kara qaddiyada Soomaaliya beesha caalamka, oo haddii uu guuleysto meel wanaagsan wax gaarsiin kara`` ayuu yiri Xassan Nuur oo ka mid ah ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya ee ku soo naafoobay dagaaladii 77.
``Markii ay meesha ka baxay dowladdii dhexe ee Soomaaliya madax baddan oo Soomaaliyeed oo ay isku xilli ahaayeen Caddow ayaa ku soo caariyey siyaasadii qabaliga aheyd ee Soomaaliya la degtay, Caddow weligiis lama arag, afkiisana lagama maqal isagoo qabiil Soomaaliyeed maagaya, ama qabiil wax ka sheegaya, waxa uu aamisan yahay ee qalbigiisa markaasi ka guuxayeyna waxey aheyd įniga dadkeyga haddii aanan ka saari karin marxaladda adag ee ay ku jiraan, culeys kale ugu dari maayo, inaan u duceeyo ma ahane, wuxuuna marar baddan oo ay ugu horreysay doorashadii Carta ee 2000 iyo tii Nairobi 2004-tii uu dareemay in la joogo xilligiisii, haddana kumana guuleysan waayo waxaa la isticmaalayey laaluush & dhabar ka taabasho isaguna ma aaminsana taa, wuuna aqbalay natiijadii, haddana wuxuu mar kale ku haminayaa in diyaar u yahay inuu tartamo`` sidaa waxaa tiri Marwo Fahma Siciid oo ka mid ah dadka u guuxaya fikirka musharax Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow, waxeyna u soo jeedisay in ay xildhibaanada baarlamaanka ay codadkooda siiyaan musharaxaasi, oo ay sheegtay in ay u arkeyso mid ka soo bixi kara howsha adag ee samatabixinta Soomaaliya.
Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|