Somali News
    Hees  

Xaalad Dagaal oo aad u xooggan oo Iminka Ka socdo Hosingow ee Gobolka J/Hoose

Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaalad Dagaal oo aad u xooggan oo Iminka Ka socdo Hosingow ee Gobolka J/Hoose

Waxaa goordhaw Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG , Raaskanbooni iyo Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM uu hada ka soconayaa Deegaanka Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo ah mid socda xiligan qaatayna saacado ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ee weerareen Deegaankaasi oo fariisin u ah Ciidamada iskaashanaya ee Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Labada Dhinac ayaana isdhaafsanaya Hub Culus ,waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka uu wali yahay mid xoogan labada dhinacna Qasaarooyin xoogan gaarsiiyay.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan hada Socda ayaan la ogayn, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada Dagaalamaya ee Shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya xili Gobolka Jubada Hoose ay kajiraan dhaq dhaqaaqyadii ciidan ee ugu xooganaa ,Ciidamada Huwanta ah ayaana u dhaqaaqay Dhinaca Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)