|
Xarunta Hormarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee CYD oo aqoon Isweydaarsi ku Qabatay Degmada Balcad + Sawirro
Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xarunta Hormarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee CYD oo aqoon Isweydaarsi ku Qabatay Degmada Balcad + Sawirro
Aqoon iswaydaarsi ay soo qaban qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada soomaliyeed “center for youth development” (CYD) Somalia oo ka dhacday xarunta degmada balcad ee gobolka shabeelada dhexe.
Aqoon isweydaarsigan oo ahaa mid si weyn loosoo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen ku dhawaad 100 dhalinyarada deegaanka ah ayaa looga hadlay “sida loooga faa’idysan karo awoodaha ku keydsan dhalinyarada sida ugu haboon”.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xarutna horumarinta dhaliyarada somaaliyeed ee center for youth development (CYD Somalia) Musa Yabarow isago ku dheeraday muhiimada ay leedahay ka faa’iideeysiga awoodaha ku keydsan dhalinyarada xusayne hadii loo adeegsado sida ugu haboon looga faa’iideysan karo dhinacyo badan sida Waxbarashada, dhaaqalaha, ganacsiga, beeraha, kaluumeesiga, siyaasadda, amaanka iyo horumarinta bulshada ku nool degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe iyo guud ahaan wadanka oo idil.
Waxaa sidoo kale halkaasi kahadlay gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo siyaasada ee gobolka shabeelaha dhexe yuusuf cabdi cabdulle kasoo tilmaamay in ay wanaagsan tahay in dhaliyaradu kaga faa’iideeyaan awoodaha ku jira sida ugu haboon maadama ay yihiin dhalinyaradu lafdhabarka bulshada una horseeda horumarka.
Waxaa sidoo kale hadal qiima leh ka jeediyay aqoon iswaydaarsigan taliyaha guutada koobaad ee ciidanka xooga dalka soomaaliya general maxamed maxamuud saney isagoo sheegay in ay muhiim tahay in awoodaha dhaliyarada loo isticmaalo sida ugu haboon oo aan loo adeegsan si qaladan oo bulshada dhib ku ah.
Waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay xubno ka tirsan qeybaha bulshada sida madaxda dhaqanka, aqoonyahano, haweenka iyo dhaliyarada oo intuba xusay ahmiyada ay leedahay in loo adeegsado awoodaha ku qarsoon dhaliyarada sida ugu wacan oo bulshada wax tar u leh.
Aqoon iswaydaarsiga ayaa ugu dambeyntii ku soo gabagaboobay si wanaagsan iyadoo ay ka faa’iideen dhaliyaradii ka qeyb gashay aqoon wax ku ool ah oo ay ugu faa;iideyn karaan bulshada inteeda kale.












Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|