Somali News
    Hees  

Horjooga Alshabaab ka tirsan oo isu soo dhiibay Maamulka Puntland

Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Horjooga Alshabaab ka tirsan oo isu soo dhiibay Maamulka Puntland

Col. Jaamac (Afguduud) Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee aagga Sugurre, oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay, in Horjoogahayn lagu magacaabo Mowliid Aadan Qalalan , uu si iskiis ah shalay ciidamada isugu soo dhiibey.

Wuxuuna intaas ku daray in uu watey hub uu kamid yahay qoriga (PKM), hal xabo oo telefoonada Satelliteka ah iyo weliba dukumiintiyo kale oo uu tilmaamay in ay muhiim yihiin.

Taliye Afguduud oo ka jawaabayay su,aal ay wariyaashu weydiyeen oo ahayd hadii ay jirto in xiligan ciidamada Puntland ay degmada Galgala joogaan wuxuu sheegay, in ay ku sugan yihiin meel aan sidaas uga fogeyn, haseyeeshee qolyaha kasoo horjeedaa ay xiliyada qaar degmada gudaha usoo galaan.

Buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari islamarkaana koonfur galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan, waxaa horay uga dhacay dagaalo badan oo dhex maray ciidamada amaanka ee Puntland iyo weliba Malayshaad ka dilaacay Galgala, kuwaasoo iyagu bilo kahor la midoobey Kooxda Al-shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)