|
Musharaxiinta uu damaca ugu Jiro Qabashada Xilka Gudoonka Baarlamaanka oo maanta soo bandhigay Waxqabadkooda
Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Musharaxiinta uu damaca ugu Jiro Qabashada Xilka Gudoonka Baarlamaanka oo maanta soo bandhigay Waxqabadkooda
Kulan ay Maanta Muqdisho isugu yimaadeen Qaar ka tirsan Musharaxiinta Xilka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ee 28 Bishan lagu wado in la doorto Musharaxiinta oo Qudbado logu dhageysanayay waxyaabaha uu qof walba qabanaayo marka loo doorto xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya..
Goobta Kulanka uu ka dhacaayay ayaa waxaa ku suganaa Musharixiin badan kuwaasi oo utaagan qabashada Xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Soomaliya.
Waxaana Sidoo kale goobjooga ahaa dhamaanba Mudanayaashii dhawaan loo dhaariyaay ka mid noqoshada Barlamaanka cusub waxaana Qudbado looga dhageysanayay musharixiinta u taagan qabashada xilalka kala duwan ee Barlamaanka Soomaaliya.
Waxaa goobta soo xaadiray ilaa 6 Musharax oo u taagan Qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka 9- Musharax oo u taagan qabashada Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka iyo sidoo kale Seddex Mushaxar oo u tagan in ay qabtaan Xilka Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Barlamanka Soomaaliya.
Pro.Cali Qaliif Galeer oo mar ahaa Ra,Isil Wasaaraha Soomaaliya kanamid ahaa Musharixiintii maanta kulanka kahadlay una tagan qabashada Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in haddii u ku guuleysto uu wax weyn ka badali doono nidaamkii hore looga bartay Barlamaanada Soomaaliya.
Sidooo kale Prof; Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo isna ka hadlay goobta kulanka ayaa isna dhankiisa waxaa uu sheegay in uu wax ka qabanayo sida xaalka Dalku uu yahay waxaana uu sheegay in uu is badal cusb oo Dalka u horseeda nabad uu sameyn doono sida uu sheegay.
Marka laga soo gudbo Musharixiinta maanta soo bandhigay waxqabadkooda ay ku doonayan in ay ku kasbadan kalsoonida Xubnaha Baarlamanka waxaa jira Musharixiin ka tanasulay xilkii ay u taagnaayeen ee ahaa kamid noqosha hogaanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale C/Risaaq Cusmaan Jurile oo kamid ahaa Mudanayashii u tartamayay Xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaauu shaaciyay in uu ka tanaasulay qabashada xilkaasi waxana uu sheegay kadib markii uu la tashi la sameeyay xubno kamid ah la taliyaashisa ay u soo baxady in uu isga tanaasulo Xilkaasi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|