Somali News
    Hees  

Shil Gaari Meyd siday oo ay ku dhinteen ilaa Affar Qof

Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Shil Gaari Meyd siday oo ay ku dhinteen ilaa Affar Qof Sida ay
wararku sheegayaan ilaa afar qof oo uu ku jiray ilmo yar ayaa ku
dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu yimid maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Waaberi, Axmed Mayre Makaraan ayaa koox wariyaal ah ugu sheegay halkii uu shilku ka dhacay in gaariga shilka geystay uu waday mayd la doonayay in lagu  soo aaso qubuuro ku dhow dugsiga tababarka booliiska ee gobolka Banaadir.

"Baabuurka shilka geystay wuxuu ahaa gaari weyn oo mayd siday, waxaana laga waayay fariinka taasoo keentay inuu dadkan badan dilo, kuwo kalena dhaawacyo u geysto," ayuu yiri Axmed Faal oo la hadlayay saxaafadda.

Goobjooge ku sugan halka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in gaarigu uu dusha ka maray dadkii dhintay, sidoo kalena ay jiraan dad badan oo dhaawacyadooda loo qaaday isbitaallada Muqdisho kuwaasoo tiradooda lagu sheegay shan qof.

Dadweyne badan oo ay ehel iyo asxaab ahaayeen dadkii ku dhintay shilka gaari ayaa goobta soo buuxiyay, waxayna halkaas ka qaadeen maydadkii, iyadoo sidoo kale la qaaday maydkii uu gaarigu waday.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii gaariga kuwa raaxada ah oo bareek ama fariinka laga waayay uu jiiray caruur kubad ku ciyaaraysay barxad degmadaas ku taalla, waxaana halkaas ku dhintay afar ka mid ah caruurtii ciyaaraysay iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)