|
Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Beladweyne saakay ka wada Baarito iyo howlgalo aminga lagu sugaayo
Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Beladweyne saakay ka wada Baarito iyo howlgalo aminga lagu sugaayo.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan aya sheegaya in saakay Ciidamada Dowladda KMG ah Gobolka Hiiraan iyo kuwa Ciidamada Itoobiya ay saakay halkaasi ka wadaan Howlagalo baaritaano ah.
Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beladweyne ayay warar sheegayaan inay baaritaanada xoogooda ka socdaan, iyadoo halkaasi maalintii shalay uu ka dhacay qarax xooggan oo la doonaayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah, hase yeeshe ma jirin cid wax ku noqotay.
Ciidamada Dowlada Itoobiya ayaa xiray isku socodka xaafadaha kala duwan ee Beladweyne kadib markii qarax nooca meelaha fog laga hago uu ka dhacay magaaladaasi.
Howlgalka Ciidamada isbahaystay saakay ka fuliyeen Magaalada Baladweyne ayaa lagu soo xir xiray dhalinyaro badan kuwaasi oo ku sugnaa xaafadaha kala duwan ee magaalada,waxaana inta badan dhalinyarada laga xeray xaafada Howlwadaag.
Dhinaca kale maamulka magaalada Baladweyne ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falalkii qaraxi ahaa ee ka dhacay magaalada Beladweyne, iyadoo xaaladda Magaaladaasi ay haatan tahay mid degan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|