Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif oo shaaciyay in Maxkamadda sare Go’aan ugu dambeeya ka gaareyso xildhibaanada la soo celiyay

Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


(Halkaan ka dhageyso shir jaraa'idkii Madaxweyne sheekh Shariif)

Madaxweyne Shariif oo shaaciyay in Maxkamadda sare Go’aan ugu dambeeya ka gaareyso xildhibaanada la soo celiyay.

Sheekh Shariiif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ay soo celiyeen guddiga Farsamada soo xulitaanka Baarlamaanka Soomaaliya go’aanka ugu dambeeya ay ka qaadan doonto Maxkamada Sare ee dalka.

Madaxweynaha oo xalay shirjaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa sheegay in soo xulida xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ay meel wanaagsan mareyso oo ay gabo gabo tahay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano Guddiga farsamada ee soo xulitaanka baarlamaanka Soomaaliya ay soo celiyeen, islamarkaana arrintaasi loo gudbinayo maxkamada sare ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay in 24-saac ee soo socdo uu rajeynayo inay go’aan ka gaarto Maxkamada sare ee dalka xubnaha Baarlamaanka ee gudiga farsamada ay soo celiyeen.

Dhinaca kale maalinta talaadada ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyadoon weli aan la soo dhameestirin xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo gudiga Farsamada Xildhibaanada ay soo celiyeen ay yihiin Hal beel oo kaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)