|
Ciidamada Dowladda KMG ah oo xabsiga u taxaabay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda KMG ah oo xabsiga u taxaabay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii sida la sheegay uu faraha la galay arrimo siyaasadeed oo aan shaqadiisa ahayn taasi oo keentay sida ay wararku sheegayaan in la xiro, inkasta oo aan la sheegin xildhibaankaasi cusub in maxkamad la soo taagayo iyo in kale.
Odayaal iyo wax garad kasoo jeeda magaalada Gaalkacyo ayaa madaxda Dowlada Soomaaliya ka codsaday in la sii daayo xildhibaan Abdi Barre Yusuf Jibril oo xiran.
Xildhibaanka oo horay u ahaa Taliye kuxigeenkii Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo xiray arrimo siyaasadeed oo la xariira xilkaasi waxana uu ku xiran yahay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Kulan ay ku yeesheen waxgaradka beesha uu kasoo jeedo xildhibaanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayey uga codsadeen madaxweynaha inuu si dag dag ah u fara geliyo arinta ku saabsan xildhibaanka cusub.
Waxa lagu eedeynayaa xarigiisa inuu ka danbeeyo taliyaha Waaxda jinsiyadaha iyo Socdaalka Dowlada Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee ma jirto wax war ah oo kasoo baxay arrintaasi.
Waxa uu noqonayaa mudanihi ugu horeeyey oo ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo lagu xiro magaalada Muqdisho ama meel ka baxsan.
Dhinaca kale Xildhibaanada dowladi hore way soo mareen xarig, waxaana gudaha iyo dibada Soomaaliya ugu geystay dowlaha Kenya iyo Itoobiya, iyadoo gudaha dalalkaasi laga qabqabtay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|