|
Naadiga Dekedaha oo qalab Sporti ka gudoomey ciyaaryahan hore uga tirsanaa qeybtii kubadda cagta
Mogadishu Axad 26 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Naadiga kubadda cagta ee Dekedaha oo ka mida naadiyada waaweyn ee dalka ayaa maanta qalab sporti ka gudoontey mid ka midah xidigihii soo marey oo ka yimid dalka dibadiisa, iyadoo xaflada gudoonsiinta qalabkaasina ay ka dhacdey gudaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
Xafladda oo ay kasoo qeybgaleen Madaxda naadiga Dekedaha qeybaheeda kala duwan, Maareeyaha iyo ku xigeenada Dekedda Muqdisho ,Macalimiin ciyaartoy iyo qaar ka mida taageerayaasha, waxaana ugu horeyntii ka hadley xoghayaha Naadiga dekedaha C/laahi bashiir nuur (kuwaataro) oo sharaxaad ka bixiyey xiriir ay la samaeeyeen ciyaaryahanada dibadda ku sugan ee soo martey Dekedaha,isagoo xusey in Saciid cumar yuusuf Keysaneey,uu ka soo jawaabey codsi uu horey ugu direy dhamaan ciyaaryahanadii kooxda ee dibadda aadey, isagoo intaasi ku darey in qalab kale ay u balan qadeen ciyaaryahano kale oo qurbaha joogta.
Ciyaaryahan Saciid Cumar Yuusuf (Keysaneey) oo ka hor inta uusan qalabkaasi oo isugu jirey Funaanado, Buumooyin,iyo sigsaan uusan ku wareejin maareyaha Dekedda uu ka hadley goobta isagoo sheegey inuu go'aansadey maadaama uu soo aadayay dalka in qalab sporti uu u soo qaado kooxdiisii Dekeda iyadoo qalabkaasi uu kasoo qaadey Ururka Canava ee ka dhisan dalka Finland oo uu ka tirsan yahay,
Sidoo kale waxaa hadal dhiiri gelin iyo mahadcelin isugu jirta ka jeediyey Gudoomiyaha naadiga Dekedaha Cali C/kariin Daahir (Cali Deeq) oo tilmaamey in Saciid uu wado u furey bahda kala duwan ee Sportiga Qurba joogta,isagoo balan qaadey in inta uu ku sugan yahay Muqdisho ay u abaabulayaan ciyaaro Kubadda Cagta iyo Kolleyga oo lagu soo dhoweynayo imaanshihiisa dalka.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho C/laahi Cali Nuur oo qalabkaasi ka gudoomey ciyaaryahanka ayaa si weyn ugu mahadceliyey in ciyaartoydii guulaha iyo koobabka lasoo qeybsatey Dekedaha ay iminka dib usoo xusuustaan oo ay qalab u keenaan kooxda.
Wuxuuna ugu danbeyntii ku guubaabiyey dhamaan ciyaaryahanadii Naadiga dekedaha kuwii hore iyo kuwa iminka ee qurbaha joogta ineey ku deydaan Siciid Keysaneey oo ay soo gaarsiiyaan qalab iyo waxyaabaha aasaasiga u ah Sportiga naadiga Dekedaha.





C/xafiid C/samad zaciimka
zaciimka02@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|