Somali News
    Hees  

Ciidammada Xoogga Dalka Iyo AMISOM oo Saakay La Wareegay Deegaanno horleh oo ka tirsan Shabeelha Hoose

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waaberigii saakay howlgallo ay ka bilaabeen qeybo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose kula wareegay deegaanno hor leh oo gobolkaasi ka tirsan ayadoo Ciidammaduna ay hada kaabiga ku hayaan magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Howlgalka ayaa waaberigii saakay waxey ciidammadu si saf balaaran ah ugu qaadeen deegaanno dhowr ah oo gobolkaasi ka tirsan ayagoo ka dhaqaaqay deegaanka NO 60 waxaana durbaba usuurta gashay iney si nabad ah kula wareegaan deegaanno dhowr ah.

Deegaannada ay saakay la wareegeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ka mid ah:- Buushka,Ceel-Wareegoow,Buufoow,Gandaawi iyo Shalaanbood oo dhammaanyood ku teedsan wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halka dhanka wadada xeebta ahna ay Ciidammadu kala wareegeen deegaannada Gendershe iyo Jilib Marko.

Dad deegaanka ah oo ku sugan deegaanno kala duwan oo gobolkaasi ah ayaa sheegaya in Ciidammadu ay magaalada Marka uga dhaqaaqeen seddex jiho oo kala ah wadada laamiga oo ay ilaa deegaanka Shalaanbood kala wareegeen,wadada xeebta ah oo ay dadku inoo xaqiijiyeen iney ka gudbeen deegaanka Jilib Marka iyo Wado bacaad ah oo ka leexata deegaanka Ceel-Wareegoow taasi oo magaalada dhanka buuraha kasoo gasha.

Saraakiil ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan xiligan waxa soconaya waxaase ay tilmaameen in marka howlgalku soo gebo geboobo ay faahin faahin ka bixin doonaan balse dad ku sugan magaalada Marka oo aynu la xiriirnay ayaa xaqiijiyey in magaalada saakay aanay ku sugneyn cid ka tirsan Maleeshiyada Al-Qaeda oo haraadigoodii ugu dambeeyey ay xalay magaalada faarujiyeen xaaladuna ay tahay mid kacsan oo dadku ay u sacaba tumayaan sidii ay usoo dhoweyn lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM oo iyagu hada ka dul qaaday heeryadii gumeysiga ee mudo Seddex sano ka badan dhibaatada ku hayey. Xigasho Radio Mogadishu

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)