Somali News
    Hees  

Musharax madaxweynaha soomaaliya Yaasiin Maaxi Mo’alim iyo madaxweyen shariif ayaa kawada hadlay marxaladda kala guurka ah

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Musharax madaxweynaha soomaaliya Yaasiin Maaxi Mo’alim iyo madaxweyen shariif ayaa kawada hadlay marxaladda kala guurka ah

Labada masuul oo ku kulmay xarunta madaxtooyada qaranaka soomaaliyeed ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee siyaasadda dalka gaar ahaan xiliga kala guurka waxaana muhiimadda ku saareen wadahadaladooda sidii ay soomaaliya uga bixi laheyd xaaladda adag ee dhinaca siyaasadda.

Maaxi oo warbaahinta lahadlay kadib kulnakii uu laqaatay madaxweyne Shariif ayaa sheegay iney isku afgarteen madaxweeynaha in si wada jir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka umadda soomaaliyeed iyo sidii loo badbaadin lahaa nidaamka dowladnimada curtunka ah

Waxaa kalo uu Maaxi intaasi ku daray in madaxweynaha uu gaarsiiyay salaan iyo hanbalyo ay ugu soo dhiibeen jaaliyadda soomaalida ee ku dhaqan Sweden iyo madaxda dalkaasi Swedenba

Intii uu socday kulnak 2-masuul ayaa waxaa ay talooyin ku kala qaateen sida loo wajihi karo xaaladda cusub ee dhinaca siyaasadda iyo sdii ay si habsami ah ugu dhici lahayeen doorashooyinka xiligoodu dhowyahay iyagoo meesha ka saaray ineysan dhici doonin wax isdabamarin ah inta ay socdaan doorashooyinka

Kulnak 2-da masuul ayaa ku soo aaday xili dalka soomaaliya uu ka dhacayo isbadal siyaasadeed waxaana ay labada masuulb ka mid yihiin murashixiinta doonayo iney ku guuleeysataan tartanka xilka madaxtinimadda soomaaliya ee goor dhow lagu wado iney ka dhacdo gudaha waddanka soomaaliya gaar ahaan caasimadda muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)