|
Mouirinho iyo Kooxdiisa Real madrid oo gabi dhacleynaya ka dib Markii xalay 2-1 ay ku soo sagootiyeen Getafe
Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Mouirinho iyo Kooxdiisa Real madrid oo gabi dhacleynaya ka dib Markii xalay 2-1 ay ku soo sagootiyeen Getafe
Kooxda Getafe ayaa xalay 2-1 ku Samirsiisay Kooxda uu Leyliyo Macalin Mourinho ee Real madrid oo ku Booqatay Gurigeeda.
Weeraryahanka Reer Ajantiin Gonzalo Higuein ayaa Goolkii u dhaliyay Kooxdiisa daqiiqadii 27 ee qeybtii hore Ciyaarta waxaan lagu kal nastay Goolkaasi ay Real madrid ku Horeeyeen.
Iksu soo Noqodkii Ciyaarta Kooxda martida loo ahaa ee Getafe waxa ay la timid dardar Cusub waxaan Goolkii Barbaraha u dhaliyay daqiiqadii 53 ee qeybtii danbe ee Ciyaarta Ciyaaryahan Valera.
isku dayo ay sameeyeen Real Madrid waxba kama soo naaso cadaan waxaan Goolkii 2 ee guusha gacanta u galiyay Kooxda Getafe u dhaliyay daqiiqadii 75 weeraryahanka Dalka Marooko u dhashay laguna Magacaabo Barrada oo sitay Lamabrka 19 kaasoo shabaqa ku malaasay Kubad uu kaga dhex toosay Difaaca Real madrid.
daqiiqadihii dheeraadka ahaa isku dayo kale oo ay sameeyeen Ronaldo iyo saaxiibadiis wax natiijo ah ma u horseedin Real madrid oo Horyaalak La ligaha isbeyn 2012-2013 ku Bilowday dib u dhac iyo caajis waxana ay leedahay 1 dhibic labadii kulan ee ay safteen Xili ciyaareedkaan halak Kooxda ay Xifaaltamaan ee Barcelona ay ka leedahay 6 dhibcood ka dib markii xalay ay 2-1 uga badisay kooxdii ay booqatay e e Ossasuna waxaan goolka guusah u dhaliyay dhamadki ciyaarta Messi oo 3 gool dhaliyay 2 kulan ee ugu horeeyay la liagah isbeyn 2012-2013.
waxaa diyaariyay/
Axmed maxamed cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|