|
Ciidamada Dowladda KMG ah iyoi kuwa AMISOM oo gaaray Afaafka hore ee Degmada Marka iyo Al-Shabaab oo isaga baxay Degmadaasi
Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda KMG ah iyoi kuwa AMISOM oo gaaray Afaafka hore ee Degmada Marka iyo Al-Shabaab oo isaga baxay Degmadaasi.
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay howlgallo ay ka bilaabeen qeybo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose kula wareegay deegaanno hor leh oo gobolkaasi ka tirsan, iyadoo Ciidammada dowladda KMG ah ay hada kaabiga ku hayaan magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.
Waaberigii saakay waxey ciidammadu si saf balaaran ah ugu qaadeen deegaanno dhowr ah oo gobolkaasi ka tirsan, waxayna ciidamadu dulaanka ka bilaabeen deegaanka NO 60 waxaana durbaba u suurta gashay iney si nabad ah kula wareegaan deegaanno dhowr ah, iyadoo deegaanmada ay qabsadeen ay ka mid yihiin Buushka,Ceel-Wareegoow, Buufoow, Gandaawi iyo Shalaanbood oo dhammaanyood ku teedsan wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa qaaday sadax jiho oo u suurtagelisay inay ciidamadu gaaraan afaafka hore ee degmada Marka, waxayna ciidamadu haatan ku sugan yihiin Deegaanka Cagaaran.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidamadu haatan isku diyarinaayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen haraadigii Al-Shabaab oo isaga baxay Degmada marka, sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah oo la hdalay saxaafadda ayaa sheegay inay dagaalkii saakay ku dileen ilaa 9-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana ay gacanta ku digeen ilaa 5-ruux oo kale.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|