Somali News
    Hees  

Ugaas Shookaalli: "Shariif iyo C/Samad ayaa qaatay Saamiga beesha Max'ed Gorgaate xubnaha Baarlamaanka cusub ay ku lahaayeen"

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ugaas Shookaalli: "Shariif iyo C/Samad ayaa qaatay Saamiga beesha Max'ed Gorgaate xubnaha Baarlamaanka cusub ay ku lahaayeen"

Ugaaska beelaha Maxamed Gorgaate Ugaas Maxamed Ibraahim Geeddi Jimcaale Shookaalli ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya aanay ku lahayn xitaa hal Xildhibaan oo beeshaasi u matala Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in beeshiisa oo markii horeba ay cunsuriyad ku hayeen beelaha Hawiye isla markaana midab takoor ku hayay dadka ka soo jeeda beesha Maxamed Gorgaate oo uu sheegay inay yihiin beelo ku shaqeysta xoogooda oo ku xeel dheer farsamada iyo qalabka kala duwan ee ay dadku ku adeegtaan.

"Shariif iyo C/Samad ayaa qaatay beesha Maxamed Gorgaate xubnaha Baarlamaanka cusub ay ku lahaayeen" ayuu yiri Ugaas Ibraahim Geedi Jimcaale Shookaalli oo sheegay in Madaxweyne Shariif uu warqad u qoray Wasiirka arrimaha gudaha, markii uu wasiirka u tegayna uu ku yiri "Hawiye 30-xubnood ayaa Baarlamaanka ugu jirta waana dhammaatay" wuxuuna Ugaaska beesha Maxamed Gorgaate sheegay markaas kaddib Mahiga inuu xubnaha ergada ku darsaday 50-xubnood, taasi oo muujineysa xaqiraada iyo cadaalad darrida lagu hayo beeshaan.

Isagoo ka hadlayay Ugaas beesha Maxamed Gorgaate cida ka dambeysay in beeshooda ay ka helaan Baarlamaanka cusub Xildhibaanadii ay ku lahaayeen ayuu sheegay arrintaasi inay mas'uul ka yihiin beelaha Hawiye oo uu sheegay inay iyagu hubeysnaayeen 20-kii sano ee la soo dhaafay lug weynna ku lahaa dagaaladii dalka ka dhacay.

"Beelaha hubeysan ee dalkaan burburiyay 22-kii sano ee la soo dhaafay kama mid ahayn beesha Maxamed Gorgaate mana hubeysna waa beelo xoogooda ku xamaasha oo farsamayaqaano u badan" ayuu yiri Ugaaska beesha Maxamed Gorgaate oo sheegay inuu dadaal u galay sidii xaqa beeshooda ku lahayd xukuumadda uu geed dheer iyo mid gaabanba u korayo sidii ay u heli lahaayeen xaqooda xukuumadda cusub.

Mar uu ka hadlayay xukuumadihii dalka soo maray mudadii 20-ka sano ahayn in beesha Maxamed Gorgaate ay heshay saamigii ay ku lahaayeen beesha Maxamed Gorgaate, wuxuuna sheegay in beeshooda mar kastaba la xaqirayay isla markaana xukuumad kasta oo dalka soo martay cadaalad darro iyo takri fal lagu sameynayay beesha Maxamed Gorgaate.

"Kama duwana xukuumadda cusub ee dalka kuwii hore, waxayna ku socotaa jidkii cadaalad darrada, xaqiraadda iyo cunsuriyadda ku dhisnaa oo burburay" ayuu yiri Ugaas Maxamed Ibraahim Geeddi Jimcaale Shookaalli oo sheegay dhinaca kale si cad u sheegay in beesha Maxamed Gorgaate aanay waxba ka helin 275-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)