Somali News
    Hees  

Ciidamada dowlada oo la wareegay gacan ku heynta xarunta gobolka Sh/hoose ee Marka

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa la wareegay guud ahaan gacan ku heynta xarunta gobolka Sh/hoose ee Marka kadib markii saaka ay u ruuuqaansadeen dhankaasi.

Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saakay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ka waday deegaano hoos taga magaalada Marka ayaa ugu danbeyn gacanta ku dhigay magaalada Marka waxaana haatan ciidamadu ka dhex wadaan xaafadaha magaaladasi howlgalo ammaanka lagu xaqiiijinayo.

Dadweynaha ku nool magaalada Marka ayaa Caleemo qoyana iyo sacab ay ku soo dhaweyay ciidamada iyagoo aad ugu faraxsan soo gaaridooda mar hadii iminka ay ka bexeen gacantii cadawga Alqaacidada ee in dhawaalaba dhibaatada ku hayay.

xigasho radio mogadishu

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)