Somali News
    Hees  

QM oo ka walaacsan dib u dhac ku yimaada doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


QM oo ka walaacsan dib u dhac ku yimaada doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya

Q,M ayaa ka digtay in mar kale uu dib u dhac ku yimaadodoorashada gudoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

War uusoosaaray wakiilka QMu qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustina Mahiga ayaa waxaa uu ku sheegay in QM ay ka walaacsan tahay dib u dhac ku yimaada doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa oo loo balansan yahay in maalinta birri ah inay dhacdo.

Augustina Mahiga waxaa uu xusay inaysan u dul qaadan doonin in birri ay ka dib dhacdo doorashada waxaana uu ugu baaqay guddiga doorashada iyo xildhibaanada cusub inaysan ka labo labeyn inay birri guddoon cusub oo baarlamaanka ah doortaan.

"Ma jiro wax waqti ah oo aynu heysano oo dib u dhac kale keeni kara marka waa in dadaaldheeraad ah galnaa" ayuu yiri Augustina Mahiga wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Danjire Mahiga waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in loo baahan yahay in baarlamaanka cusub uu gudoon doorto 28 bishaan isla markaana loo gudbo doorashada M/weynaha Soomaaliya si loo sii ambaqaado hanaanka ka gudbida KMG oo ay Soomaaliya muddo ku jirtay, waxana uu intaa ku daray in loo baahan yahay in deg deg loo soo dhamaystiro xubnaha ka dhiman baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada gudoonka baarlamaan ayaa dib u dhacday dhawaan waxaana uu qorshuhu ahaa in gudoonka la doorto 26, bishaan waxaana ay guddiga faraha kula jira ay sheegeen in arrimo farsamo darteed u baaqatay doorashadu.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)