|
Kenya oo maraakiib dagaal u soo diraysa xeebaha Magaalada Kismayo si ay uga qeyb qaataan dagaalka Al-Shabab
Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kenya oo maraakiib dagaal u soo diraysa xeebaha Magaalada Kismayo si ay uga qeyb qaataan dagaalka Al-Shabab
Dawlada Kenya ayaa sheegatay inay maraakiib nooca dagaalka ah u soo dirayso xeebaha Soomaaliya si ay uga mid noqdaan hawlgalka ciidamada AMISOM ee la doonayo in Xarakadda Al-Shabab looga saaro magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose.
War maanta lagu qoray wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya kasoo baxa ayaa waxaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Kenya ay xaqiijiyeen in maraakiib dagaal ooKenya ay leedahay loo dirayo xeebaha gobolada jubbooyinka gaar ahaan Kismayo si ay uga qeyb qaataan dagaalada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladu qorsheynayaan inay magaaladaasi ku qaadaan.
Wasaaradda gaashaandhiga Kenya ayaa laga soo xigtay in xeebaha Kismayo ku wajahanyihiin si ay uga qeyb qaataan hawlgalka Ciidamada AMISOM waxaana warka lagu sheegay in maraakiibtaan dagaalka ay magaalada Kismayo duqeyn doonaanmarka uu hawlgalku bilawdo.
Maraakiibta dagaalka ee Kenya ayaa horey duqeymo dhawr jeer uga geystay magaalada Kismayo waxaana ugu dambeysay weerar ay ku dileen 3 ruux iyo dhaawaca 2 kale taasoo ay hay’adaha xaquuqda aadanaha ay cambaareeyeen.
Sidoo kale ciidamada millitry,ga Kenya ayaa gudaha Soomaaliya kula dagaalama Xarakadda Al-Shabab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|