|
Ganacsade Mareykan ah oo sheegay inay Soomaaliya maal-gelin ku sameynayaan haddii madaxtinimada loo doorto C/Nuur Darmaan
Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ganacsade Mareykan ah oo sheegay inay Soomaaliya maal-gelin ku sameynayaan haddii madaxtinimada loo doorto C/Nuur Darmaan
Ganacsade u dhashay wadanka Mareykanka oo lagu magacaabo Jes Jonson isla markaana madax ka ah shan Shirkadood oo ka howlgala gudaha wadanka Mareykanka ayaa ka hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya, gaar ahaan isbedelada ka socda oo looga guurayo xilliga KMG-nimada.
Mr. Jes Jonson oo magaalada Washington ugu waramayay Saxaafadda ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya uu ku sameynayo maal-gelin ballaaran haddii madaxtinimada wadanka loo doorto musharaxa xilka Madaxweynaha C/Nuur Axmed Darmaan oo uu sheegay inuu yahay shaqsi ku haboon qabashada xilka Madaweynenimada Soomaaliya.
"Aniga aqoon gaar ah ayaan u leeyahay C/Nuur Axmed Darmaan, waana shaqsi dhibaatada ka saari kara dalka Soomaaliya" ayuu yiri Mr. Jes Jonson oo sheegay in shirkado Mareykanka laga leeyahay ay dadaal ugu jiraan sidii loo dooran lahaa C/Nuur Axmed Darmaan.
Dhinaca kale wuxuu sheegay ganacsadaha Mareykanka ah in wadanka Soomaaliya uu u baahan yahay Madaxweyne ka samatabixiya xaaladda adag ee uu ku jiro, wuxuuna Mr. Jes Jonson sheegay in haddii Dowladda cusub ee Soomaaliya loo doorto C/Nuur Darmaan uu aaminsan yahay kuna kalsoon yahay in dalka uu ka baxayo marxalada uu ku jiro maanta.
C/Nuur Axmed Darmaan oo ka mid ah musharaxiinta ku tartamaya madaxtinimada dalka ayaa u muuqda mas'uul taageerayaashiisu sii badanayaan, isagoona la sheegayo in Xildhibaanno fara badan oo ka tirsan Baarlamaanka cusub ay sheegeen inay dooranayaan C/Nuur Darmaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|