Somali News
    Hees  

Guddiga ololaha Musharaxa Dr.Looyan oo Beeniyey beesha SADE oo Musharaxiintooda Tanaasulay

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Anigoo ku hadlaya guddiga dhexe ee ololaha musharaxa Dr.Bashir Nur-Bidaar Xasan Looyan halkaan ku cadeeynayaan inaan marnaba la qaban shir ay isugu yimaadeen musharaxiinta beesha SADE maagaala Muqdisho sida hore loogu soo daabacay http://www.somaliweyn.com/pages/news/Aug_12/26Aug2.html

Marka waxaa la yaab ku noqotay dhamaan musharaxiinta beeshii SADE iyo weliba xildhibaanadii beesha SADE oo iyaguna sidoo kale lagu been abuurtay magacadoodii iyo masuuliyoodiiba. Marka dhamaan shacabaka iyo masuuliyiinta ay quseeyo arrintaan aan xaqiiqda aheyn u sheegaaanaa inaan jirin wax tunaasul ah, musharaxiinta beeshana ay dhamaantood ay xaq u leeyihiin inay isku soo sharaxaan jagadii ay markii horeba u isku shareexeen oo aqoontii iyo waayoaragnimadeediiba ay leeyihiin, ayna markasta ay diyaar u yihiin maslaxadda iyo horumarinta ummadda Soomaliyeed iyo weliba isku soo dhowaasha dhinacyo badan leh ee  beesha dhexdeeda iyo beelaha kale ee soomaliyeedba.

Maxamed Hassan Cabdi
Guddiga ololaha Musharaxa Dr.Looyan
(Looyaan@looyaan.com) (www.looyaan.com)

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)