|
Golaha ammaanka oo cuna qabateyn dulsaaray nin u dhashay wadanka Kenya oo la sheegay inuu Shabaab taageeray
Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha ammaanka oo cuna qabateyn dulsaaray nin u dhashay wadanka Kenya oo la sheegay inuu Shabaab taageeray
Golaha amaanka ee Q,M ayaa liista dadka argagixisada ah ku dartay nin u dhashay wadanka Kenya oo lagu eedeeyay inuu taageeray Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.
Ninka ay Q,M cuna qabataysay oo magaciisa lagu sheegay Abuubakr Shariif Axmed ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu muddo taageero iskugujirta dhaqaalo, hub iyo dagaalyahano la tababaray uuu ugu deeqay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya kula dagaalanta ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.
War bixin ay Q,M soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in ninkaan Kenyanka ah laga mamnuucay safarada iyo caalamka iyadoona hakad la galiyay hantida bangiyada dunnida ka taala.
Golaha amaanku waxaa ay xuseen in ninkaan u dhashay wadanka Kenya uu dhalinyaro Kenyan ah ku tababaray masaajido ku yaala magaalo xeebeedka Mombasa ee wadanka Kenya kadibna uu dhalinyaradaas iyo hub uu geeyay magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
"Wuxuu argagixisada ku taageeray qalab ay ku dagaal galaan waxaana uu qeyb ka qaatay taageerida Al-Qacidada geeska Africa" ayaa lagu war saxaafadeed ay golaha amaanku soo saareen.
Ciidamada booliska Kenya ayaa Abuubakar gacanta 2 sanoka hor kadib markii lagu tuhmay inuu ku lug lahaa weerar bambaano oo lagu qaaday goob gaadiidka laga raaco oo magaalada Nairobi ku taala, waxaana ay boolisku sheegeen inuu adeegsado illaa 6 magac oo kale.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in 6 xubnood oo lagu helay inay Al-Qacidsa taageeraan oo uu ninkaan ku jiro cuna qabatayn ku soo rogtay dhaq dhaqaaqoona la socoto.
Al- Shabab oo ku xiran ururka Al-Qacida ayaa taageerodhinacyobadan leh ka hela xubno Al-Qacida ka tirsan oo dunnida ku sugan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|