|
Jean Ping : "Somalia hadda waa mid ka sii baxeysa dhibaatadii, ma aha in aad dib u eegtaan wixii dhacay 21 sanadii la soo dhaafay"
Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Jean Ping : "Soomaaliya hadda waa mid ka sii baxeysa dhibaatadii muddada 21 sano ah ay ku jirtay, mana haboona in xilligan soomaalidu ay dib u eegeen
wixii soo dhexmaray, waxaa la idinkaga baahanyahay inaad dareentaan mas’uuliyadda idin saaran"
Guddiga amaanka iyo nabadda ee ururka Midowga Africa ayaa warsaxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
waxa uu dhinacyada soomaalida soomaalida ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga oo aysan dib u dhac ku imaanin xilliga doorashada guddoomiyaha
barlamaanka iyo madaxweynaha.
Jean Ping oo ah xubin ka risan guddiga amaanka iyo nabadda ee ururka midowga oo ku xusan warsaxaafadeedka ayaa siyaasiyiinta soomaalida ka
dalbaday inay ka gudbaan is qab qabsiga u dhexeeya oo si deg deg ah loo dhameystiro xubhana barlamaanka, waxana Jean Ping uu sheegay in
lama huraan ay tahay in wax waliba ay dhacaan waqtiga loogu tala galay.
"Somalia hadda waa mid ka sii baxeysa dhibaatadii muddada 21 sano ah ay ku jirtay , mana haboona in xilligan soomaalidu ay dib u eegeen
wixii soo dhexmaray, waxaa la idinkaga baahanyahay inaad dareentaan mas’uuliyadda idin saaran"ayuu yiri Jean Ping guddoomiyihii guddiga
amaanka iyo nabadda ee ururka Midowga Africa.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Midowga Africa uu sii wadayo taageeridda umadda soomaaliyeed, sidoo kale
QM iyo midowga Yurub ayaa iyana warsaxaafadeed kal hore ay soo saareen waxa ay ka digeen dib u dhac ku yimaada doorashada somalia.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|