Somali News
    Hees  

Beesha reer Bicidyahan oo digniin culus u dirtay Cabdullaahi Gaafow

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Beesha reer Bicidyahan oo digniin culus u dirtay Cabdullaahi Gaafow

Ku: Agaasimaha Ciidamada Nabadsugida DKM, Muqdishu

Ku: Ex col. Abdullahi Gafow, Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Muqdishu

Ku: Odayaasha iyo waxgaradka beesha Murursade, Muqdishu, iyo Ceelbuur

Og: Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Muqdishu

Og: Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya

Og: Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland

Og: Danjire Augustine Mahiga, UNPOS, Muqdishu

Og: Saxaafadda madaxabannaan ee Soomaalida

Shir ay jaaliyadaha beesha reer Bicidyahan (Cali Ibraahim) ee ku yeesheen teleconference iyo wada-tashi lala sameeyey odayaasha iyo waxgaradka beesha ee ku dhaqan Gaalkacyo iyo gobolka Wardheer, isla markaasna iyadoo la tixraacaayo baaq ay shalay magalaada Gaalkacyo kasoo saareen waxgaradka iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland. Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa inuu maanta na soo gaaray warar sheegaaya in ragga aftuubka ku haysta Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil oo uu hogaamiyo Cabdullahi Gaafow ay qorsheeyeen inay khaarijaan Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil. Sidaasi darteed, waxaan halkaan kusoo bandhigaynaa fariin culus oo ku socota taliyaha Nabadsugida dawlada Shiikh Shariif:-

1. Marka hore waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in hadaan nahay beesha reer Bicidyahan (Cali Ibraahim) in maleeshiyo beeleed uu hogaamiyo Cabdullaahi Gaafoow Maxamud ay si qabiilnimo iyo xaqdarro ah u aftuubteen Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.

2. Waxaan madaxwayne Shiik Shariif la socodsiinaynaa inuu tilaabo deg deg ah ka qaado falka guracan ee laga afduubtay Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil isla markaasna haddii uusan tilaabo cad qaadin in markaas inuu asagu mas’uul ka yahay sharafta iyo badbaadinta nolosha Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.

3. Waxaan beesha Murursade ee uu kasoo jeedo Cabdullaahi Gaafoow Maxamud aan si cad ugu sheegaynaa inay beel ahaan iyagu qaadi doonaan wixii dil am dhaawac loo gaysto Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil

4. Waxay beesha reer Bicidyahan balanqaadaysaa in haddii aan muddo 24 saac ah uusan Gaafow, iyo xulafadiisu aysan afduubka soo fasaxin inay markaasi beeshu qaadi doonto tilaabo ciidan oo si wayn looga wada fajaco.

5. Sidaasi darteed, waxaan Gaafow iyo xulafadiisa la socodsiinaynaa inaysan dhayalsan digniintan culus waayo taariikhda kama dhicin mana dhici doonto in qof beeshan ka tirsan inbaad, dulmi, cago-juglayn iyo af-duub lagula kaco, waxayna beeshu qaadi doontaa tilaabo culus oo ay waajib ku tahay inay ku badbaadiso sharafta xildhibaanka la afduubtay iyo tan beelaha Puntland.

6. Madaxwaynaha Puntland waxaan ugu baaqaynaa inuu bayaan cad kasoo saaro arinta waxashnimada ah ee lagula kacay Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.

7. Ugu danbayntii beesha reer Bicidyahan waxay la socodsiinaysaa ciidamada AMISOM, IGAD iyo xafiiska UNPOS in nabadgelyada iyo nolosha Xildhibaan Cabdibarre ay tahay mid khatar ku sugan isla markaasna aysan maanta Muqdishu joogin ciidamo Soomaaliyeed oo dhexdhaxaad ka noqon kara nolosha shacabka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdishu isla markaasna ay Muqdishu noqotay meel dad gaar ah sheegteen.

Gudiga ilaalinta sharafta iyo karaamada beesha Reer Bicidyahan

bicidyahaninfo@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)