Somali News
    Hees  

Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, kaddib markii labadii labadii maalmood xanuun dartii uu ugu jiray isbitaal ku yaala xaafadda Islii ee magaaladaasi Nairobi.

Fannaanada Khadiijo Foodey Nuur oo ay Abwaanka isla joogeen isla markaana isla shaqeynayeen ayaa ka warbixisay geerida Abwaan Goox Qarboosh, waxayna sheegtay in marxuum uu u geeriyooday naqaska oo ku dhegay.

Allaha u naxariistee abwaan Maxamuud Goox Qarboosh ayaa la sheegayaa in labadii bilood ee u dambeysay noloshiisa uu la il darnaa xanuuno soo wajahayay, hase yeeshee uu ka soo bogsanayay, isagoona xalay markii ay neeftu ku dheegtay uu u geeriyooday.

"Allaha u naxariisto abwaanka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dadkii ay asxaabta ahaayeen, ehelkiisa iyo saaxibadiisii geeridii ku timid abwaan Maxamuud Goox Qarboosh" ayay tiri fannaanada Khadiija Foodey Nuur oo sheegtay dhinaca kale in maanta lagu aasay qabuuro ku yaala magaalada Nairobi.

Dhinaca kale abwaanka geeriyooday ayaa sanadihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi, isagoo nabadgelyo xumo awgeed uga tegay magaalada Muqdisho shan sano kahor, iyadoo lagu xusuusto fannaanka Maxamuud Goox Qarboosh heeso fara badan oo uu sameeyay, kuwaasi oo isugu jira wadani iyo jaceyl.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)