Somali News
    Hees  

Qarax miino oo ay ku dhintee ilaa 7-caruur ah oo dhiganaysay Dugsi Qur'aan oo ka dhacay degmad Balcad

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qarax miino oo ay ku dhintee ilaa 7-caruur ah oo dhiganaysay Dugsi Qur'aan oo ka dhacay degmad Balcad

Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo la dhigay goob uu ku yiilay dugsi Qur'aan ay ku qasraxday ardaydii dhiganeysay dugsigaasi, waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 7-caruur ah iyo dhaawac intaasi ka badan.

Sida uu sheegayo ruux goob jooge ahaa, miinooyinka ayaa la dhigay laba meelood oo midood la dhigay meel ku dhow dugsigaasi iyo xarunta MCH-ka degmada Balcad, halka mida kalena la dhigay beerta Cusmaan Tunni oo aan sidaasi uga fogeyn, hase yeeshee ma qarxin mida la dhigay beerta.

Ardaydii ku dhaawacantay dugsiga ayaa lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaala degmada Balcad, halka kuwooda dhaawacyada halista ah soo gaareen loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo macallimkii dugsigana la sheegayo inuu shoog ka qaaday qaraxaasi, inkasta oo aanay waxba ka soo gaarin qaraxa miinada.

Dhinaca kale daqiiqado kaddib waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamada Dowladda KMG ah, kuwaasi oo bilaabay howlgallo baaritaano ah oo la xariira qaraxa meesha ka dhacay iyo kooxihii ka dambeeyay, ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa ku guuleystay inay bixiyaan miinadii la dhigay beerta Cusmaan Tunni, kaddib markii ay u adeegsadeen qalabka miinooyinka lagu bixiyo.

Miinada saakay ku qaraxday dugsi qur'aanka ee ay ku geeriyoodeen 7-caruur ah oo yaryar isla markaana aan qaangaar ahayn ayaa waxaa si weyn uga xumaaday waalidiinta caruurtaasi iyo dhammaanba dadka reer Balcad oo iyagu dhacdadani u arkay inay tahay mid lagu dabar jarayo jiilka soo koraya iyo dagaal aan naxariis lahayn oo lagu leynayo ardayda mustaqbalka wax u tari lahayn dalka iyo dadka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)