Somali News
    Hees  

C/raxmaan Faroole: "Waa isku dembi kuwa u doodaya dambiilayaasha in lagu soo daro Baarlamaanka cusub"

Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


C/raxmaan Faroole: "Waa isku dembi kuwa u doodaya dambiilayaasha in lagu soo daro Baarlamaanka cusub"

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in xubnaha laga reebay Baarlamaanka cusub ee lagu eedeeyay inay dembiilayaal yihiin, wuxuuna sheegay in howsha guddiga farsamada soo xulidda Baarlamaanka cusub howshooda loo daayo.

Waxa uu sheegay in xubnaha laga reebay Baarlamaanka cusub ay yihiin kuwo dalka ka waday dagaalada oo uu sheegay inay ka mid yihiin Maxkamadihii Islaamiga ahaa, wuxuuna caddeeyay in xitaa gobolada Puntland ay isku dayeen inay dagaallo ka ridaan iyagoo 25Km u soo jirsaday magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay inay iska caabiyeen weeraro iyo dagaallo lagu soo qaaday degaanada Puntland.

"Waa isku dembi kuwa u doodaya dambiilayaasha in lagu soo daro Baarlamaanka cusub" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo sheegay in burburkii dalkaan ka dhacay ay ku lug leeyihiin xubnaha laga reebay Baarlamaanka cusub, isagoo tallaabadaasina uga mahad celiyay guddiga farsamada soo xulista Xildhibaanada.

Dhinaca kale C/raxmaan Faroole waxaa kale oo uu ku baaqay in guddiga loo madax banneeyo howshooda oo aan lagu faragelin, wuxuuna ugu baaqay kuwo uu sheegay inay dabada ka riixayaan isla markaana u ololeynayaan sidii xubnahaasi ay uga mid noqon lahaayeen Baarlamaanka cusub.

Hadalka C/raxmaan Faroole ayaa soo baxay kaddib markii maamulka Puntland shalay soo saaray war-saxaafadeed uu uga horjeedo in guddiga farsamada ay tagaan maxkamadda sare, si su'aalo looga weydiiyo diidmadooda ku aadan xubnaha ay beelahooda soo gudbiyeen inay Xildhibaano uga noqdaan Baarlamaanka, iyadoo warkaasina si cad u diideen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)