|
Guddiga farsamada Baarlamaanka oo si cad u diiday inuu hortago Maxkamadda Sare
Mogadishu Isniin 27 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guddiga farsamada Baarlamaanka oo si cad u diiday inuu hortago Maxkamadda Sare
Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka soo kala dhex galay guddiga farsamada xulista Baarlamaanka iyo maxkamadda sare iyo Madaxweyne Shariif oo isku dhinac ah, kaddib markii ay guddigu soo celiyeen xubno ka socda beelahooda oo u matalaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Md. Caydiid Ilka Xanaf ayaa warbaahinta u sheegay in guddiga farsamada ay u direen warqad ay maxkamadda ku yimaadaan si su'aalo looga weydiiyo waxa ay ku diideen in xubnahaasi ay baas gareeyaan si ay ugu biiraan Baarlamaanka.
"Guddiga farsamada waxay yidhaahdeen waan diidnay, mana tageyno maxkamadda, anaga qofna ma weydiineyno" ayuu yiri Caydiid Ilka Xanaf oo sheegay dhinaca kale in guddigaasi ay maanta u qabteen inay maxkamadda ku hor yimaadaan.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha guddiga farsamada in maxkamadda sare ay soo gaartay warqad dacwad sharciga la xariirta, kaddibna guddigu markii ay u yeereen ay si cad u diideen.
Xubnaha dib looga celiyay Xildhibaanimada Baarlamaanka cusub oo tiradoodu gaareyso ilaa 15-xubnood ayay guddigu ku eedeeyeen inay yihiin dembiilayaal iyo dagaal oogayaal dalka ka waday dagaalada iyo burburka, waxaana la sheegayaa haddii khilaafkani sii xoogeysto inuu saameyn ku yeesho yagleelidda Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|