|
Hoollka ay ka socoto Doorashada gudoonka baarlamaanka Cusub oo laga saaray Ilaalada Shariif Xasan & C/weli Gaas
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Hoollka ay ka socoto Doorashada gudoonka baarlamaanka Cusub oo laga saaray Ilaalada Shariif Xasan & C/weli Gaas
War deg-deg ah oo iminka inaga soo gaaray howlka uu ka socdo diyaar garowga doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa ee Iskuul Buluusiya ayaa waxa iminka jirta xaalad xasaasiyad leh.
Xaalada howlka ayaa mar qura is badashay kadib marki illaalada railsul wasaare Gaas iyo gudoomiye Shariif Xasan laga saaray howlka abaabulka doorashada kasocoto iyadoo taana ay ka biyo diideen madaxda ilaaladooda dibada loo saaray.
Arintaani ayaa timid kadib marki gudoomiyaha kumeelgaarka baarlamaanka Soomaaliya uu dalbaday in mudanayaasha baarlamaanka ay si isku mid ah ay isula fariistaan isla markaana aysan jirin koox sigaar ah xaq ugu leh iney gudaha lasoo gasho ilaaladeeda.
Hadalak gudoomiyaha kumeelgaarka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu keenay fara isku taag badan oo ugu dambeenti si qasab ah ay ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ay dibada ugu saareen dhamaan ilaalada sida gaarka ah loo watay gaar ahaan kuwi ilaalilanayay Gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra'isul wasaarihi hore Gaas.
Dood dheer kadib ayaa waxa ra'isul wasaare Gaas iyo gudoomiye Shariif Xasan ku qanceen in ilaalo la'aan ay lafariistaan mudanayaasha kale iyadoo amaanka guud ee goobtana ay la wareegeen ciidamada AMISOM Iyo ciidamo si gaar ah utababaran oo katirsan militariga dowlada Soomaaliya.
Wixi kusoo kordha dib ayaa idinkaga soo gudbineenaa
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|