|
Booliska uganda oo ka hortagay dibadbax lagu dalbanayo in ciidamada Uganda Soomaaliya laga soo saaro
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Booliska uganda oo ka hortagay dibadbax lagu dalbanayo in ciidamada Uganda Soomaaliya laga soo saaro
Booliska magaalada Kampala ee dalka uganda ayaa ka hortagay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen ururo dalka uganda ka jira oo dhallintyaro kuwaas oo doonaya in dowladda uganda si dhaqsi ah Somalia ay uga soo saarto ciidamada Uganda ee qeybta ka ah kuwa AMISOM.
Sarkaal sare oo booliska Uganda ka tirsan oo la yiraahdo James Ruhweza ayaa warbaahinta u sheegay inay kala eryeen in Boqolaal dibadbaxayaal ah oo isugu soo aruuray xafiisyada dowladda ee magaalada Kampala ay kala eryeen islamarkaana ay siiyeen digniino xoogan .
Macalimiin iyo ardey wax kabarata jaamacadaha ku yaala dalka uganda ayaa qeyb ka ah dadka abaabulaya dibadbaxyada lagu codsanayo in ciidamada uganda somalia loogta soo saaro , waxana banaanbaxayaasha horkacaya Bernard Luyiga oo bare ka ah jaamacadda Makerere ee ku taala magaalada Kampala .
Dibadbaxayaasha ayaa amar waxaa lagu siiyay inay dib guryahooda ay ugu laabtaan hadii kalana ay soo gaareyso dhibaato sida ay ku warameyso warbaahinta dalka uganda ka soo baxda.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii dhaqdhaqaaqayaal ka soo horjeeda dowladda uganda ay ku hanjabeen inay dhigayaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda yuweri mussavani hadii aan somalia laga soo saarin ciidamada dowladda uganda oo dalka somalia soo gaaray sanadkii 2007da.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|