|
Hay’adda FAO oo cambaaraysay dil magaalada Marka loogu geystay mid ka mid ah shaqaalaheeda
Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay’adda FAO oo cambaaraysay dil magaalada Marka loogu geystay mid ka mid ah shaqaalaheeda
Warsaxafadeed ay ka soo saartay Hey’adda cunada iyo beeraha Q.M ee FAO xafiiskeda magaaladda Nairobi ayaa ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ka hor inta aysan magaaladaasi gaarin ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.
Agaasimaha hay’adda FAO FAO José Graziano da Silva ayaa sheegay inay aaminsanyihiin in dagaalyahanada Al-Shabab ay magaalada Merka mid ka mid ah shaqaalahooda oo lagumagacaabi jiray Yaasiin Max’ed Xasan oo 32 sanno jir ahaa.
Hay’adda FAO ewaxay war saxaafadeedkeeda ku sheegtay inay ka naxsatahay dilka loo geystay ruuxaasi waxaana ay intaa ku dartay inay murugada la wadaagayaan ehelada uu marxuumkaasi ka geeriyooday.
"Xogta aynu heyno waxay sheegaysaa in marxuumkaan ay dileen dagaalyahanada Al-Shabab dabcan gar daaro ayay ku maageen" ayuu yiri José Graziano da Silva oo ah agaasimaha guud ee hay’adda Q,M u qaabilsan arrimaha cunnadda iyo beeraha ee FAO.
Hay’adda FAO ayaa gobolkaasi Sh/hoose ka hawl galaysay 4 sanno ee la soo dhaafay waxaana hawsha ugu badan ee ay qabtaan ay tahay inay beeralayda siiyaan dalagyo ay beertaan
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|