|
Soomaalida Koonfur Africa oo iibsanaya Guriga Safaarada oo lacag badan ku kacaya
Talaado 28 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Soomaalida Koonfur Africa oo iibsanaya Guriga Safaarada oo lacag badan ku kacaya.
Gudiga Taakuleynta safaaradda Soomaaliya ee Westren Cape ee dhawaan la filayo in laga furo dalka Koonfur Africa ayaa ku dhawaaqey in ay bilaabi doonaa qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisi lahaa guriga safaarada Soomaaliya ay ku yeeelan doonto dalka Koonfur Africa.
Gudigani oo ka koobay 30 ruux oo isugu jira waxgaradka, culumada, aqoonyahanada, odayaasha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa xalay shir balaaran ku qaatay markazka weyn oo ay Soomaalida leedahay ee As-Sunnah ee ku yaala degaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville halkaasi oo loogu yeeray warbaahinta Soomaaliya qeybaheeda kala duwan.
Gudoomiyaha gudiga taakuleynta safaaradda Soomaaliya ee South Africa Daahir Baasto oo u waramayey saxaafada ayaa sheegay in ay aad u wanaagsan tahay in aan iibsano guri ay Soomaalida dhan leedahay oo cidna laga xigin isla markaana lagu fuliyo danaha Soomaalida oo aan ognahay ayuu yiri baahida aan u qabno wuxuna warka intasi ku daray in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qeyb qaato dhismaha Safaarada Soomaaliya.
Sheekh Bahjudiin waa Afhayeenka gudiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee Westren Cape ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii ay Soomaaliya wax wada qabsan lahayd isla markaana la isku dayo in la dhisi karo Safaarada Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatey guriga xiligasi lagu shirayey in uu yahay guri ay Soomaali leedahay isla markaana laga bixiyey lacag badan wuxuuna warka intaasi ku daray .
Gudoomiye ku xigeenka gudiga taakuleynta Safaarada Soomaaliye Maxamuud Guutaale ayaa sheegay in hadda wax walba ay isku soo dhawaadeen isla markaana la qaadayo talaabada ugu danbeysa taasi oo ah dhaqaalaha loo baahan yahay wuxuuna intaasi raaciyey in lacagta ay isla ogaan doonaan dhamaan 30 xubnood ee gudigani aadna looga taxadaray sidii loo xafidi lahaa lacagaha laga soo aruurinayo dadka.
Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay dhamaan qeybaha kala duwan ee gudigani waxayna u muuqdeen kuwa qaba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed oo loogu bartay bixinta sadaqada iyo iibinta dhulalka taariikhiga ah sida safaarada Soomaaliya oo kale iyadoo qof kasta ay ogtahay in South Africa iyo Soomaaliya aysan weligood hadda ka hor aysan labada dal wax safaarad ah aysan ka furan dalalkooda balse tani ayaa Soomaalida u tahay iftiinka baaxad weyn nalalka ifiya gudcurka.
Shalay ayaa laga shaaciyey labada masjid oo ay Soomaalida ledahay ee kala ah Masjidlul Sunnah iyo Masjidul Salaama arintani, iyadoo gudigani aysan weli shaacin qaabka ay u aruurin doonaan dhaqaalaha.




Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town South Africa.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|