Somali News
    Hees  

War Dag Dag Ah: Wareegi hore ee Codbixinta oo soo dhamaaday iyadoo ay isku soo hareen Prof. Jawaari iyo Dr. Cali Galayr

Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


War Dag Dag Ah: Wareegi hore ee Codbixinta oo soo dhamaaday iyadoo ay isku soo hareen Prof. Jawaari iyo Dr. Cali Galayr

Waxaa hada soo gababa gabooabay wareergi hore ee cod bixinta Gudoomiyaha Baarmalaanka iyadoo Xubnaha u tartamaya Gudoonka Baarlamaanka uu ugu horeeyo Max'ed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana ku soo xiga oo isna tira fiican heysta Cali Khalif Galeyr, Xubnaha tartamaayo ayaa haatan u muuqdo inay raadinyaan oo ay wadaan olole ay ku doonayaan inay ku sii helaan codadka kale maadaama la leeyahay waxaa loo gudbayaa wareega labaad ee codbixinta

Wareegi hore ee hada soo dhamaaday ayaa waxaa si weyn ugu horeeyay Jawaari balse waxaa ku daba dhawaa Galeyr, waxaana haataan la saadaalin karin cida sida |rasmiga ha ugu guuleysan doonta Gudoonka Baarlamaanaka.

Sidoo kale waxaa musharxnimadii doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ka tanasulay C/rashiid Maxamed Xidig oo helay cod dhan 10-cod iyo Cabdi Xaashi C/laahi oo isna helay 23-cod, waxayna goobta ka sheegeen inay codkii ay heleen inay siinayaan Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaana hadda tartanka isugu soo haray Prof Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari" 119-cod helay iyo Dr. Cali Khaliif Galayr oo isna helay cod dhan 77--cod dhan.

Tartanka codaynta qeybta labaad ayaa goordhow bilaabanaya, iyadoo tartanka lagu kala bixi doono cod dhan 50+1 ama hal dheeri, waxaana ugu cad cad inuu xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ku guulaysto Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari .

Waxaa soo xaadiray Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ilaa 236-xildhibaan, waxaana iminka la dhaariyay Fanaanada wayn Saado Cali Warsame iyo xubno kale oo aan horay loo dhaarin.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)