Somali News
    Hees  

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka oo la doortay

Mogadishu Talaado 28 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka oo la doortay

Jeylaani Nuur Iikar ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya kaddib codbixin labo wareeg ah oo ay ka qeyb galeen musharixiin badan.

Wareeggii labaad ee codeynta guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxa u soo gudbay afar musharrax oo kale ah Jaylaani Nuur Iikar oo helay 90 cod, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo helay 58, Bashiir Maxamed Jaamac oo helay 30 cod iyo Maxamed Cabdi Xayir oo helay 30 cod.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in ay isku soo hareen Jaylaani Iikar iyo Cabdiweli Muudey, intaan loo gudbin wareegga saddexaad waxaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka xildhibaan Muudey, sidaas oo uu ku noqday Jeylaani Nuur Iikar guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee
baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa hadda la guda galay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)